Gå til hovedinnhold

Innlegg

Viser innlegg fra september, 2023

Dhiiri galin ku socota Dumarka!

  Dumarka waa halboowlaha aduunkan aanu joogno, waana waxa ugu wayn oo dunidan ku dhisantahay. Siidoo kale dumarku waa qurxda, iftiinka waxayna qayb wayn ka qaataan hormarka dunida meel walba ha ka joogaane maah maah ayaa dhahda "dumarku waa hadyad ka timid xaga Alle". Ma garanayo sida ay noqon lahayd dunida dumar la aanteed. Haddaba ma tahay qof og in ay leedahay qiimahaas oo dhan. Dumarka badanaa ma arkaan awooda Alle siisay waxaadna moodaa inay ka  qarsoontahay awoodaas khaasatan dumarkeena soomaaliyeed. Dumarka waa laf dhabarka haday noqoto mid qoys ama bulsho waxaana taas u leeyahay hadaanu nahay dumar aad ayaan u naxariis badanahay, fududahay inaan wax aamino ama nala aamino, sidoo kale u dar yeel badanahay iyo waliba caawinaada ku fiicanahay. Hadaanu nahay dumar ma ku badnin wax isdaba marinta, xatooyada iyo dhamaan wax yaalaha soo hoos gala musuqmaasuqa taasoo micnaheeda tahay in ay dumarku u badanyihiin dad qalbiyo jilicsan oo nadiif ah leh.  Haddaba iyagoo dumar...

Ma tahay qof yaqaana shaqsiyadiisa?

Dunidaan aynu joogno maanta qof kaste waxa uu leeyahay dabeecad iyo shaqsiyad u gaara. Ha ahaato mid wanaagsan ama mid aanan wanaagsanayn. Ma tahay adigan akhrisanaya bloggan mid yaqaana shaqsiyadiisa.  Waxaa jira dad badan oo aanan aqoonin naftooda, marka aan dhahayo waxaa jira dad badan oo aanan is aqoonin waxaa ula jeedaa in aadan garanayn dabeecadaada iyo waxa aad jeceshay shaqsi ahaan. Laakiin su aasha meesha imanaysa waxay tahay maxay muhiimad ledahay inaa barato shaqsiyadaada? Haddaba jawaabta waatan inaa istaqaano waxay kaa caawinaysaa inaa aad garanayso qiimahaaga, cidda aad rabto inaa la socoto iyo inaa samayso waxaa aad rabto oo aadan kala jeclaanin waxa ay dadka kale rabaan ama ay kuu arkaan/kula rabaan.  Inaa taqaano qofka aad tahay ama aad ku kalsoontahay shaqsiyadaada waxa kale ay kaa caawinaysaa inad ku qanacsantahay qofka aad tahay oo aadan isku bedalin ama aadan naftaada u nicin qof dartiis. Tusaale qof aad saaxiib tihiin baa maalin walba wax ka sheegaya dabe...