Gå til hovedinnhold

Innlegg

Viser innlegg fra januar, 2023

Don't wait for someone to improve your life!

Nolosha way ballaarantahay waxayna leedahay noocyo badan adiga ayaa doorankaro nooca nolol aad rabto inaa ku noolaato. Dad waxay ku nool yihiin nolol dabaqad sare, dadna waxay ku nool yihiin dabaqad dhexe halka dad kale ay ku nool yihiin nolol aad u haysaysa.   Dad badan ayaa ku qeexa nolosha dabaqada sare ma aha wax layska dooran karo oo waxa ay aaminsan yihiin in hadii aad waxbarato aad ku noolaankarto nolol fiican waliba mida dabaqada sare. Dad badan ayaa aaminsan inaadan helaynin nolol fiican hadii aadan wax baran. Waliba waxaa intaa sii dheer waxay haystaan aragti ah qofkii wax barta ayaa heer gaaro halka ay ka saarayaan booska qofka aan waxba baran. Oo waxay haystaan aragti labaad oo ah qof haduu uusan wax baran in uu hormar gaari karin noloshiisa uuna ku noolaanayo nolosha mida dabaqada hoose.  Hadaba adiga wax bartay iyo adiga aan waxba baran waxaad u simantihiin doorashada noloshiina. Wax barashada waa muhiim waana ku dhiirigalinayaa inuu qof walba waxbarto mid d...

Reasons for Procrastination

Dib u dhigidda waa waxa ugu weyn ee kaa fogaynaya guusha dadka badanaa aad ayey ugu fiican yihiin dib u dhigidda. Ma is waydiisay maxay tahay sababta aad ugu dib dhiganaysid howshaada adoo isla hadda samayn kara, adigoo samaynkara hadda maxay tahay sababaha aad ugu raadinaysid cudurdaar si aad dib ugu  dhigto.  Dib u dhigiddu waxay dhacdaa markaa dib u dhigto howl muhiim ah illaa ay heer cawaaqib xumo ah  ku yeelato howlahaaga iyo wanaaga mustaqbalkaaga fog.  Marka la eego dhinaca nafsiga ah, dib u dhigadda waa nooc ka mid ah isxakamaynta dareenka. Dadka badanaa waxay dib isugu dhigaan si aysan u dhicin raaxo daro nolosha, sababta waxay la xiriirtaa waxa ay rabaan in ay sameeyaan. Waxa ay ka baqayaan in ay dhacaan waxa ay ka cabsanayaan taas oo ah in ay ku guuldaraystaan howlahooda muhiimka ah. Tani waa sababta aan ugu nugulnahay in aan dib u dhigno howlaha cusub aan rabno in aan bilowno samayntooda. Waxaan ka walwalsanahay in ay na dareensiiyaan niyad jab, daal, caa...

How can you achieve your goals in life?

  Qof waliba waxa uu leeyahay waxaan rabaa inaa yoolalkayga gaaro oo ka rumeeyo. Laakiin ma iswaydiisay waa maxay micnaha yool?  Waa maxay yoolka aad nolosha ka leedahay?  Sideena ku gaari kartaa yoolalka aad nolosha ka leedahay? Hadii aad iswaydiisay su´aalahan kor ku xusan waa hubaal waad ka dhabayn kartaa hadafkaaga.  Yool waxaa weeye hadaf uu qofku leeyahay rabana inuu gaaro. Qof waliba yool wuu lahaan karaa laakiin tan ugu muhiimsan waa ma ka dhabayn kartaa gaarida yoolka aad leedahay ee maskaxdaada ka guuxaya oo aad ku riyooto maalin iyo habayn.  Hadii aad leedahay yool nolosha ha ku haysan kaliyaa niyada, soo qaado qalin iyo buug, ka fakar waxa aad doonayso inaa gaadho, kadib qaado go´aan sax ah oo ka soo go´ay si qalbiyan ah. Qor yoolashadii aad ka fakartay oo aad go´aansatay inaa ka dhabeenaysid samayntooda. Kadib qorshee tilaabooyinka aad u baahantahay inaa qaado si aad yoolkaaga u xaqiijiso. Dejinta yoolku waa hab awood leh oo aad ugu fikirto mustaqba...

Did you know that the people you hang out with or follow on social media have a huge impact on who you are?

Waxaad noqotaaa ama saamayn kugu yeesha dadka aad la nooshahay, ama aad raacdid/saaxiibadaada iyo sidoo kale dadka aad ka daawato baraha bulshada. Hadii aad dad xun xun aad la socoto waxa ay u badantahay inaa dhibsato waxa ay sameeynayaan markaa aad isku cusubtihiin, balse ay caadi kula noqoto maalmo kadib. Waxaa dhici karta inaa bilowdo inaa adna samayso oo aad tijaabiso waxa ay samaynayaan sababtuna waa in ay caadi kula noqdeen wax yaalahaa xun xun ee asaxaabtaaduna sameeyaan.  Sidoo kale hadii aad baraha bulshada kaga xirantahay dad wax aan fiicnayn ku soo gudbiya saamayn ayay kugu yeelanaysaa. Saamayn maskax ahaaneed iyo mid muuqaaledba ayay kuu gaysankartaa. Hadii aad maantoo dhan daawanayso tusaale dad is caaynaya oo maalintii oo dhan live oogu jira xumaan oo kaliya, waa hubaal way ku saamayn.  Dadka xun xun waxay rabaan in ay helaan dad badan oo sidooda oo kale ah. Sidaa darteed waxay si waliba iskugu dayayaan sida ay adina kaaga dhigi lahaayeen sidooda oo kale. Ma la r...

The 10 habits of people who always fail in life

  Si aan wada ognahay dadka badanaa ku fashilma nolosha waay ka dabeecad duwan yihiin dadka ku guulaysta noloshooda oo gaara hormar. Waxay dadkaasi haystaan dabeecado ama caadooyin u gaara oo aad fahmi karto hadii aad la noolaato ama aad in badan la joogto. Caadooyinkaan ay haystaan ayaa ah mid ku hogaaminaysa ama qofka ka dhigaysa mid badanaa guul daraysta o aanan meel garin noloshiisa odhan.  Dadka had iyo jeer ku guul daraysta nolasha ma aha inay leeyihiin 10 calaamadood oo klaiyaa laakiin waxay leeyihiin toban iyo ka badan. Sidaa darteed waxaan halkaan ku soo qaadanayaa 10 kuwaasoo aan u arko inay tahay kuwa yaalaha ugu badan ee keenta in uu qofku nolasha ku guul daraysto had iyo jeer. Hadaba 10 waxay kala yihiin; 1.  Procrastinating  Dib u dhigid, tani waa caadada dadka badanaa aanan ka guul gaarin wax kaste oo ay damcaan in ay sameeyaan. Waxay dib u dhigtaan waxii haboonaa in ay markaas qabtaan iyagoo naftooda ku qancinaya in ay san haysanin wakhti ku filan oo ...

Make a plan for your day

Maalintaada oo aad u samayso qoshayaal cad cad waxay kaa caawinaysaa wax yaalo aad u badan oo ay ka mid tahay in ay maalintaada ku soo dhamaato si aad u qurux badan adigana aad dareemayso in aad ka faa´iidaysatay maalintaada iyo waliba farxad. Sidoo kale maalintaada oo leh qorshe toosan waxay kaa dhigaysaa qof aan hadba dhinicii la rabo loo leexin karin, waxay kaa dhigaysaa qof ku fadhiya micno wayn oo leh hadaf. Ma ogtahay in maanta la helayo boqolaal qof oo iska soo kaca oo aan haysan wax qorshe ah maalintooda. Hadaba dadkaasi waa sidee maalintooda, sideena ku dhamaanaysaa maalintooda bilaa qorshaha ah.  Dadka ku soo kaca maalintooda qorshe la´aan waxay ka dhigaysaa in uu qofku dareemo in maalintiisa ku dhamaatay micno daro oo qofkana shakhsi ahaan dareemo tayo la´aan ama qof liita oo isku faraxsanayn. Waxayna taas sababaysaa in uu qofku ka cabto noloshiisa una arko in uu san haysan  nolol wanaagsan iyo maalmo qurux badan. Markaasna wuxuu qofku bilaabayaa inuu raadiyo cudurd...