Dumarka waa halboowlaha aduunkan aanu joogno, waana waxa ugu wayn oo dunidan ku dhisantahay. Siidoo kale dumarku waa qurxda, iftiinka waxayna qayb wayn ka qaataan hormarka dunida meel walba ha ka joogaane maah maah ayaa dhahda "dumarku waa hadyad ka timid xaga Alle". Ma garanayo sida ay noqon lahayd dunida dumar la aanteed. Haddaba ma tahay qof og in ay leedahay qiimahaas oo dhan. Dumarka badanaa ma arkaan awooda Alle siisay waxaadna moodaa inay ka qarsoontahay awoodaas khaasatan dumarkeena soomaaliyeed.
Dumarka waa laf dhabarka haday noqoto mid qoys ama bulsho waxaana taas u leeyahay hadaanu nahay dumar aad ayaan u naxariis badanahay, fududahay inaan wax aamino ama nala aamino, sidoo kale u dar yeel badanahay iyo waliba caawinaada ku fiicanahay. Hadaanu nahay dumar ma ku badnin wax isdaba marinta, xatooyada iyo dhamaan wax yaalaha soo hoos gala musuqmaasuqa taasoo micnaheeda tahay in ay dumarku u badanyihiin dad qalbiyo jilicsan oo nadiif ah leh.
Haddaba iyagoo dumarka leh dabeecooyinkaas quruxda badan oo qof leh iintaas oo dhan lagu tilmaami karo qof qof ka tagay ama qof rabbi jecelyahay ayaanan gabdho badan u jeedin haybadaa ay haystaan.
Gabdho badan ayaa maanta is liida ama haysta fikrado aanan ahayn wax jira ama ah caadooyin waa hore jiri jiray. Waxaa jira maanta gabdho badan oo dunidan ku nool oo aanan waxba qaban jooga guriga taas oo keenaysa wax yaalo ay aaminsanyihiin ama lagu soo bar baariyay wa ayna dhici kartaa inay arinkaan keento sababo kale.
Xilligan la joogo waxaa la helayaa gabdho badan oo iska jooga, marka aan leeyahay iska jooga waxaan ula jeeda iska cuna oo iska caba/ iska nool ayna sugayaan mustaqbalkooda nin ama aynu dhahno nin lacag haysta. Taas oo ay ula jeedkoodu tahay in ay iyagu iska fadhiyaan oo ninkaas wax ka sugaan oo noloshooda oo dhan hoos geeyaan qofkaas. Gabdho badan maanta waxa ay la nool yihiin waaridkood ama qaraabadooda waxayna ku sugayaan intii mid masuuliyadooda qaadi lahaa ka imaanayo, markuu ninkaas imaadana wali waxay u sii noolaanayaan sidii markii ay la noolaayeen qoyskooda wax isbedel ah ma imaanayo. Waa ay cunayaan cabayaan seexanayaan hormar kale oo soo kordhaya ma jiro.
Hadaba su aasha i manaysa waxa ay tahay adigan sidaas u ku dhaqmaya ma ka fakartay bari sida ay noqon doonto iyo in ay noloshaan saan sii ahaan karayn oo isbedel dhici karo. Tusaale waxaad ka soo tagtay guriga waalidkaa waxaad u soo wareegtay guriga ninkaaga isaga ayaad wax waaliba ka sugi jirtay adigu hal marna maadan ku fakarin in aad wax la timaado. Kadib meesha ilmo ayaa yimid qofkii aad wada joogteena waxaa yimid isfahan waa´ oo waad kala tagteen. Markaas ma waalidkaa ayaad culayskaagii iyo mid lagu siidaray ku celinaysaa taas waxaa sii dheer ilmaha nolol ayuu rabaa oo adigana sidoo kale. Nolol sidee ah ayaad wajahaysaa ma markaas ma waxaad rabtaa inaad baroor iyo shalayto gashoo oo nolol tuugsi ku dhisan ku noolaato.
Ha ku khasbin naftaada in ay ku noolaato wax aysan u qalmin Alle waxa uu masuul kaaga dhigay naftaada waxuuna wax ka waydiinayaa waa adiga ma ahan qof kale. Marka waa maxay sababta aad naftaada qof kale gacanta uga galinaysid ama aad qof kale aad wax uga sugaysid. Xilligan la joogo aduunka sidii sii hore maaha qof waliba tiisa ayuu ka fekarayaa mid kale wax ka ma gelin. Mararka qaar waxaad dareemaysaa in aad ku nooshahay duni kaloo cusub oo tii hore aheen sababta aan taa u leeyahay waa wakhtigaan aan joogno waxaa yaraatay is aaminitaankii, is walaashigii, is caawintii, isku kalsoonaantii. Maanta qofkaa aad umaleenaysay in dadka kuugu dhawyahay ayaa gadaal kaaga imaanaya ama kuu soo raacaya qofkii aad isku dhacsanaydeen. Sidoo kale qofka aad maanta is walaashanayseen ayaa bari ka maalin hadii khilaaf yar idin soo dhex galaan ayaa banaanka keenaya wax walbe oo aad wadaagteen sirihiina iyo dhamaan meel walbo aad ka jillicsanayd.
Haddaba maxaa kaa hor istaagan gabareey inaa waxbarato oo aad hadhoowna kaafiso naftaada iyo tan waalidkaaga waxaan la hadlayaa adigan awooda ama u haysta fursada aad ku hormari lahayd, Waxad baran kartaa wax walba aad jeceshay oo aad dareemaysid inaa ku fiicantahay sidoo kale waxa aad ka shaqayn kartaa wax walbe oo aad oo macquula in laga shaqeyo oo aad awoodo. Ma u malaynayo in ay jiraan waxbarasho aan gabdhaha loogu talagelin ama shaqo. Horay ayaa loogu maah maahay "gabar wax baratay waa bulsho waxbaratay".
Gabdhuhu waxay haystaan haybad gaar ah oo Alle siiyay sida aan horay u soo sheegnay oona ugu soo maah maahnay. Hadii aad tahay gabar wax baratay haday noqoto mid diini ah iyo mid maaddo ah ba waxaad awood u leedahay in aad bedasho bulsho dhan adiga oo ka dhigaya bulshadaas kuwo dhisan oo tayo leh, bulshadaana waxay noqonayaan hubaashii kuwo hormarsan oo aanan ka dhowrsan dagaal sokeeyo, dhac iyo musuqmaasuqba.
Si loo helo duni nadiif ah oo caafimaad qabta waa inaan iska dhisnaa aasaaska taas oo ula jeedo inaa gabdaheena uwada dirnaa wax barashada la siiyaana garab istaag buuxa dhan kastaba ha noqotee. Sidoo kale waa muhiim in gabdhaha loo dhisaa dhan maskax ahaaneed oo aan lagu ekaan dhan jir ahaaneed oo kaliyaa. Korniinka maskaxdu waa shayga ugu muhiimsan ee qof loo dhiso.
Waxaan dhihi karnaa in ay dhaqama bulshadu samaysato ay saamayn wayn ku leedahay dib u dhaca dumarka hadaan tusaale u qaadano waxaa jirta oraah soomaaliyeed oo dhahda " gabar waa nin u joog" taas oo ula jeedaan in ay muhiimad saas u wayn lahayn in gabadhu wax barato ama shaqayso. Marka ay gabadhii yarayd oo hada soo kacaysay waxaa maskaxda loogu shubo loogu sheekeeyo mar walbe waxay noqo naysaa mid mar waliba sugta nin oo aaminsan in aay muhiim ahayn in ay ayadu dhaq dhaqaaq samayso.
Marka gabdho waxa aan leenahayd haybad aad u balaaran iyo awoodo kala duwan ma aha in dhib noo dhigaan wax yaalo/dhaqamo la sameeyay xilliyo hore. Waxaan ku jirnaa wakhti casri ah oo wax walbe fudud yihiin in la sameeyo rajo walbana laga dhabeeyo. Balanteenu waa in aan iswada garab istaagno oo aan isku wada dhiiri galino wanaaga iyo hormarka si aynu u dhisno bulsho tayeeysan.
Hal maah maah oo Armaaniyaan ah ayaan ku soo gabagabaynayaa taas oo dhahda " dumarku mar waa sida dayaxa, marna waa silver halka mar ay yihiin dahab". Taas oo micnaheedu tahay in dumarku leeyihiin tayo/haybado aad u wanaagsan oo kala duwan.
Kommentarer
Legg inn en kommentar