Dumarka waa halboowlaha aduunkan aanu joogno, waana waxa ugu wayn oo dunidan ku dhisantahay. Siidoo kale dumarku waa qurxda, iftiinka waxayna qayb wayn ka qaataan hormarka dunida meel walba ha ka joogaane maah maah ayaa dhahda "dumarku waa hadyad ka timid xaga Alle". Ma garanayo sida ay noqon lahayd dunida dumar la aanteed. Haddaba ma tahay qof og in ay leedahay qiimahaas oo dhan. Dumarka badanaa ma arkaan awooda Alle siisay waxaadna moodaa inay ka qarsoontahay awoodaas khaasatan dumarkeena soomaaliyeed. Dumarka waa laf dhabarka haday noqoto mid qoys ama bulsho waxaana taas u leeyahay hadaanu nahay dumar aad ayaan u naxariis badanahay, fududahay inaan wax aamino ama nala aamino, sidoo kale u dar yeel badanahay iyo waliba caawinaada ku fiicanahay. Hadaanu nahay dumar ma ku badnin wax isdaba marinta, xatooyada iyo dhamaan wax yaalaha soo hoos gala musuqmaasuqa taasoo micnaheeda tahay in ay dumarku u badanyihiin dad qalbiyo jilicsan oo nadiif ah leh. Haddaba iyagoo dumar...