Gå til hovedinnhold

Ma tahay qof yaqaana shaqsiyadiisa?







Dunidaan aynu joogno maanta qof kaste waxa uu leeyahay dabeecad iyo shaqsiyad u gaara. Ha ahaato mid wanaagsan ama mid aanan wanaagsanayn. Ma tahay adigan akhrisanaya bloggan mid yaqaana shaqsiyadiisa. 
Waxaa jira dad badan oo aanan aqoonin naftooda, marka aan dhahayo waxaa jira dad badan oo aanan is aqoonin waxaa ula jeedaa in aadan garanayn dabeecadaada iyo waxa aad jeceshay shaqsi ahaan. Laakiin su aasha meesha imanaysa waxay tahay maxay muhiimad ledahay inaa barato shaqsiyadaada?

Haddaba jawaabta waatan inaa istaqaano waxay kaa caawinaysaa inaa aad garanayso qiimahaaga, cidda aad rabto inaa la socoto iyo inaa samayso waxaa aad rabto oo aadan kala jeclaanin waxa ay dadka kale rabaan ama ay kuu arkaan/kula rabaan. 

Inaa taqaano qofka aad tahay ama aad ku kalsoontahay shaqsiyadaada waxa kale ay kaa caawinaysaa inad ku qanacsantahay qofka aad tahay oo aadan isku bedalin ama aadan naftaada u nicin qof dartiis. Tusaale qof aad saaxiib tihiin baa maalin walba wax ka sheegaya dabeecadaada iyo shaqsiyadaada isaga/iyada oo ula jeeda inay fiicneen oo ubaahantahay inaa iska bedasho. Waxaa laga yaabaa inaa aad adi boqolkiiba boqol ka fiicantahay markaa hadii aadan adi is aaminsanayn oo aadan is aqoonin qofka aatahay waxaa laga yabaa inaa maalin walba aad isla hadasho oo aad adi isliido iskuna qaadato inaa tahay qof shaqsiyad wanaagsaneen. 

Ugu danbayn waxaa dhici karta ina isu badesho qofkaa dartiis oo aad qaadato shaqsiyad aadan ahayn ama shaqsiyad qof kale. Markaana waxaa dhici karta inaa isku arki waydo qofkaa shalay ahayd oo aad noqoto qof cusub kaa soo noqda qof shalayto badan. 


Baro naftaada oo ku qanacsanoow qof kaa tahay ogoowna qiimaha aad leedahay, aduunkan aanu joogno qof kasta waxa uu leeyahay dabeecad u gooni ah iyo waliba shaqsiyad. Hadaad aragto qof wax ka sheegaya shaqsiyadada ka fogoow waayo maha qof tix galinaya kala duwanaashaha. Waxaa tahay qof wanaagsan oo dabci fiican ha dhagaysan dadka jecel in ay dadka hoos u dhigaan oo raba in dadku wada noqdaan sida ay iyagu rabaan. 

Hadaa tahay qof bulshaawi ah waxaa tahay qof Alle karti siiyay awoodna u leh in uu dadka dhexgalo oo waliba firfircoon marka adaa dadka ugu fiican dhag ha u dhigin waxa ay dadka kale kaa aaminsanyihiin.

Sidoo kale hadii aad tahay qof aamusan waxaa tahay qof xikmad leh degan oo ku wanaagsan dhagaysiga ixtiraamna badan. Hadaba ahoow qof ku faraxsan sida quruxda badan ee Alle u dhamaystiray.

Hadii aad sidoo kale tahay qof laba dabeecadood u dhaxeeya adigana waxaa tahay qof Alle haybad u siiyay in uu ku dhex noolaado ama fahma dadka haysta labada dabeecad oo kale duwan. Marka ku faan qofnimadaada iyo dabeecadaada ama shaqsiyadaada quruxda badan ee Alle kuugu manaystay.


Hadii aanu bani aadam nahay waan iska dhibadanahay hadaba aad ayay u mihiin tahay in la is xushmeeyo ama la aqbalo kala duwanaashaha inoo dhaxeeya. Qof hadii uu war badan yahay taas macnaheeda ma aha in qof kan yahay qof eber ah oo aanay wax xikmad ah ku jirin. Sidoo kale hadii aad argto qof aamusan taasina ma aha inuu qofku yahay qof aanan waxba kala ogayn oo waliba is tiraahdid qofkaan waxba la ma jooge saa doontid kayeel.

Halkan waxaa ku qorayaa dhowr wax oo kaa caawinkara sida aad naftaada/shaqsiyadaad ku aaminlahayd oogu kalsoonaan lahayd: 

  1.  Waa muhiim inaa naftaada ka sheegto wax yaalo wanaagsan sida inaa tahay qof karti leh qurux badan, qof go aan leh kana dhabayn kara go aamadiisa, dabeecad wanaagsan Alle siiyay, iwm. 

                2.  La saaxiib dad wanaagsan 

                3.  Isku day inaa wax cusub samayso yaysan cabsidaada ku hor istaagin oo aysan kaa hor   istaagin inaa  wax cusub samayso, sababtoo ah qof kaste markuu bilaabayo wax cusub naftu waa diidaa cabsi ay ka qabto shaygaan ama howshaan cusub.

                4.   Noqo kaligaa oo baro waxa ay naftaada jeceshahay ma aha inaa mar walba aad la socto       dad. Samayso xilliyo ad kaligaa ahaato waayo waxaad samayn kartaa wax yaabo badan.

                5.  Samayso xilli aad qabato wax manaafac leh taasi waxaa ula jeedaa inaa la haato wakhti     aad samayso wax faa iido u leh naftaada meelna gaarsinaya sida tusaale ahaan, xilli aad buugaagta akhrisato ama xilli aad barato xirfado cusub,iwm.


Sidoo kale waxaa aad umuhiim ah inaa samaysato dad aad wax badan ka faa iidi karto, hadii aad mar waliba la socoto dad wax laga baran karo taas  oo ah wax hormar lagu gaari karo waxaad u danaysay waa naftaada. Hada waa maxay sababta u fiicantahay inaa la socoto dad adi kaa cilmi ama waayo aragnimo badan. Taasi waxay kugu dhiiri galinaysaa inaa samayso waxa aad ay dadkaa ay sameeyaan ama aad ka baro wax yaabaha ay u soo joogeen tasoo kaa caawin karta wax yaalo badan nolosha danbe ama ta aad markaa ku jirto.

Dadka aad la socoto waxa ay ka turjumayaan qofnimadaada sababtoo ah horaa loo yiri "wuxuu saaxiiibkaa yahay ayaa  tahay". Hadii saaxiibadaada ay yihiin kuwo jecel hormarka oo intaa ka sheekaynaya sidee wax ku qabsan lahaayeen ama ay heer ku gaari lahaayeen waxa ay kugu yeelanaysaa saamayn. Waxaad noqo naysaan dad hormarka isla wada gaara ama isku dhiirigaliya midba midka kale. 

Laakiin hadii aad haysato saaxiibo intaa ka sheekaynaya hebel baa saa yiri iyo heblaayo ayaa saa tiri ama xafladee aad naa xilliga firaaqada ama fanaan hebel baa imaanaya iyo wax yaalo badan oo ma laa yacniyaa waxaad noqonaysaa qof dib udhaca oo ay aad u yartahay inuu hore u socdo. Sababtuna waa waxaa wakhtigaaga qaata wax aanan loo baahnayn ama adi dib kuu celinaya kaana hor istaagaya hore u socoshada naftaada.

Mararka qaar way fiicantahay inaa noqoto danayste/danaysato oo aad raacdid waxa adi dantaada ama hormarkaaga ah oo aad iskaga hartid asxaabtaada xun xun ama aad u nasteexaysid iyaga  laftooda dhiirigalisid una leexiso dhanka fiican ama lagu gaaro hormar aakhira iyo aduunba. Markaa kii raba inuu kula sii socdo oo meel dheer nolosha ka wada gaartiin way ku soo raacayaan hadii kalena waa iska harayaan. Lakiin isku day adi sida aad hore ugu sii socon lahayd sababtoo ah qof waliba waxa uu masuul ka yahay naftiisa horana waxa ay soomaali u tiri "Tiisa daryeelaa tu kale ku dara".



More like this article:https://issstar.blogspot.com/2023/01/ha-sugin-inuu-qof-imaado-si-uu.html









Kommentarer

Populære innlegg fra denne bloggen

How to improve the quality of your free time?

  Wakhtiga firaaqada ah ee maanta la joogo waa adagtahay si aad ku hesho wakhti firaaqo ah oo caafimaad qaba. Xilliga laga nasanayo shaqada wali waxay dadku u muuqdaan kuwo mashquulsan oo aanan wakkhti ahayn. Qof waliba waxaa uu ku fooraraa mobile afar geesa oo waxa aad ku qiyaaasaysaa dadkaas in ay ku jiraaan xilli shaqo sida ay u wada mashquulsanyihiin. Xilliga laga nasanayo shaqada dadka waxay badanaa ku qaataan mobile ama computer-kooda oo waa ay ka mashquul badan yihiin sidii marka ay ku jiraan shaqada. Qof waliba waxaa ku jira mobile kiisa inta baraha bulshada abkooda ah( Social medie apps), oo waxa ay hadba soo booqanayaan app ha ahaato youtube, tik tok, snapchat, instagram, facebook, twitter iyo kuwo kaloo badan. Halka dadka qaar haday helaan firaaqo yar ay dul faraysanayaaan computerkooda ama mobile-kooda si ay u daawadaan filimaan ama musasalo. Waxaad arkaysaa waliba dad qaar dhahaya waan dhameeyay filimaanta ku jira Netflix ee ma garanaaysaa meel kale aan filimaan ka daa...

Things you should need to know about spanish people before you visit

Markii iigu horaysay aan tagay dalka Spain gaar ahaan magaalada Madrid waxaan soo xasuustay wadankaygii, halka aan ka soo jeedo asal ahaan. Maalintaydii ugu horaysay ayaa aan dareemay wax yaalo badan oo isku e kaansho ah, ina soo xasuusinaya wadankaygii( Somalia).  Halka wadanka aan hadda ku noolahay( Norway) iyo Spain ay farqi wayn u dhexeeyaan, oo aad hal mar dareemayso/ arkayso kala duwanaasho aad u ballaaran. Aduunka dad waliba waxa ay haystaan dhaqan iyo nidaam u gooniyaa, sidaa darteed waa ay wanaagsantahay inaa safarto oo aad booqoto meelo ka baxsan bay´ada aad ku nooshahay si aad u aragto kala duwanaashaha umada dunidan ku nool. Wax yaalaha aan ka soo arkay dadka isbaanishka qaar ka mid ah ayaa halkan ku xusayaa, waxaana ka mid ah; They are friendly  Guud ahaan, Dadka isbaanishka waa dad furfuran fududahayna in la lasheekaysto, mar ka loo fiiriyo inta badan dhaqamada kale ee Yurub. Waa dad hadal badan oo caawimaada ku wanaagsan in kastoo dadka isbaanishka aysan ku hadl...

Make your day beautiful!

Si aad uga dhigto maalintaada mid qurux badan waxaad is waydiinaysaa, sidee maalintayda uga dhigikaraa mid i faysa ama qurux badan? Hadaba jawaabtu waa mid fudud. Si ay maalintaada u wanaagsanato waxaa lagaaga bahanyahay inaa samayso 3 waxyaabood waxayna kalayihiin sian; 1. Seexo hurdo fiican oo kugu filan.  Waa muhiim unuu qofku seexdo hurdo ku filan si uu caafimaadkiisa uga taxadaro, si ay maalintiisa u noqoto mid dagan iyo ku wayaalo kaloo badan.  2. Ku biloow maalintaada cibaadada Alle. Waa muhiim in aad ilaaliso xiriirka adi iyo Alle idinka dhexeeya si ay kuugu fududaadaan wax walbe, hadaba markaad subixii soo kacdo ku biloow salaada. Ilaali salaada intaad awoodo sababtoo ah waa dawada waxyaalo badan. 3.  Samee maalintaada jimicsi. Jicisi oo aad samayso waxay kaa caawinaysaa in aad dareento firfircooni aadna qabsankarto howlahaaga malineed. Sidoo kale wuxuu kaa caawinayaa inaa sifiican u seexato habeenkii iyo caafimaad ahaanba. Ku dadaal arimahaan si aad u aragto isb...