Si aad uga dhigto maalintaada mid qurux badan waxaad is waydiinaysaa, sidee maalintayda uga dhigikaraa mid i faysa ama qurux badan?
U samee macno maalintaada
Hadaba jawaabtu waa mid fudud. Si ay maalintaada u wanaagsanato waxaa lagaaga bahanyahay inaa samayso 3 waxyaabood waxayna kalayihiin sian;
1. Seexo hurdo fiican oo kugu filan.
Waa muhiim unuu qofku seexdo hurdo ku filan si uu caafimaadkiisa uga taxadaro, si ay maalintiisa u noqoto mid dagan iyo ku wayaalo kaloo badan.
2. Ku biloow maalintaada cibaadada Alle.
Waa muhiim in aad ilaaliso xiriirka adi iyo Alle idinka dhexeeya si ay kuugu fududaadaan wax walbe, hadaba markaad subixii soo kacdo ku biloow salaada. Ilaali salaada intaad awoodo sababtoo ah waa dawada waxyaalo badan.
3. Samee maalintaada jimicsi.
Jicisi oo aad samayso waxay kaa caawinaysaa in aad dareento firfircooni aadna qabsankarto howlahaaga malineed. Sidoo kale wuxuu kaa caawinayaa inaa sifiican u seexato habeenkii iyo caafimaad ahaanba.
Ku dadaal arimahaan si aad u aragto isbedal malintaada. Waa hubaal inay wax iska kaa bedelayaan hadii aad samayso arimahaan kor ku xusan.
U samee macno maalintaada
Kommentarer
Legg inn en kommentar