Wakhtiga firaaqada ah ee maanta la joogo waa adagtahay si aad ku hesho wakhti firaaqo ah oo caafimaad qaba. Xilliga laga nasanayo shaqada wali waxay dadku u muuqdaan kuwo mashquulsan oo aanan wakkhti ahayn. Qof waliba waxaa uu ku fooraraa mobile afar geesa oo waxa aad ku qiyaaasaysaa dadkaas in ay ku jiraaan xilli shaqo sida ay u wada mashquulsanyihiin.
Xilliga laga nasanayo shaqada dadka waxay badanaa ku qaataan mobile ama computer-kooda oo waa ay ka mashquul badan yihiin sidii marka ay ku jiraan shaqada. Qof waliba waxaa ku jira mobile kiisa inta baraha bulshada abkooda ah( Social medie apps), oo waxa ay hadba soo booqanayaan app ha ahaato youtube, tik tok, snapchat, instagram, facebook, twitter iyo kuwo kaloo badan.
Halka dadka qaar haday helaan firaaqo yar ay dul faraysanayaaan computerkooda ama mobile-kooda si ay u daawadaan filimaan ama musasalo. Waxaad arkaysaa waliba dad qaar dhahaya waan dhameeyay filimaanta ku jira Netflix ee ma garanaaysaa meel kale aan filimaan ka daawado ama filimaan aad garanayso oo aan daawado. Marka aad waydiiso maaxaa u raadinaysaa filimaan aa daawato adoo wax kale samayn kara, waxay kuugu jawaabayaan waxaan iskaga lumuniyaa wakhtiga.
Netflix dadka ugu badan ee daawada waa dad iska caadiyaa oo haysta shaqo iska caadiyaa qaatana lacag iska caadiyaa. Halka mulkiilayaasha Netflix ay yihiin taajiriin oo ayaga laftigooda aanan daawan Netflix, laakiinse waxa ay maalinba maalinta ka danbaysa ku fakaraan si ay lacag intaa ka badan uga samayn lahaayeen adiga mar waliba dul fadhiya Netflix iyo kuwo sidaadoo kale ah. Netflix waxaa uu sameeyaa bil kaste 950 million waxayna sameenyaan sanadkii in ku dhoow 11 billion.
Sida ay dadku u qaataan wakhtigooda firaaqada waxay dhab ahaantii saamayn ku yeelan kartaa guushooda xirfadeed. Dadka guulaysta waxay u baahan yihiin in wakhtigooda firaaqada ku qaataan qodobadan soosocda:
- Read new books
Akhrisku aad ayuu muhiim u yahay waana xirfad aad qaali u ah, dadka guulaysta waligood ma joojiyaan akhrinta buugaag cusub. Haddii aad akhriso buugaag khiyaali ah ama kuwo aanan khayaali ahayn waxay kaa caawinayaam in aad hesho fikradayaal cusub ama aad fahanto aduunka kugu xeeran. Waxay sidoo kale kaa cawinayaan ina barato dhaqamo cusub, deegaano cusub, falasafado cusb iyo sidoo kale in ay adigu naftaada wax ka bedelaan.
Tusaale aahaan waxaad leedahay caadooyin xun xun( wax aad ku faraxsanathay ma samaysid maalintaada ama wakhtigaada firaaqada iwm). Kadib waxaad akhrisatay buugga lagu magacaabo atomic Habits. Akhrinta buuggaa ka dib waxaad isku aragtay isbedal aad u wayn oo xagga nolosha ah. Sidoo kale akhriska joogta ah wuxuu kaa caawinayaa inaa dhisto ereyadaada iyo fahankaaga.
2. Learn new skills
Barashada xirfado cusub aad ayaay u leedahay faa´iido badan, si aad u siyaadiso ama u hormariso xirfadahaaga waa muhiim inaa barato xirfado cusub. Barashada xirfado cusub waxay kaa dhigaysaa qof la jaanqaadi kara is bedelka jawiga iyo casriga cusub.
Sidoo kale barashada xirfado cusub waxay kaa caawinaysaa noloshaada xirfadeed. Waxay kaa caawinaysaa inaa gaadho yoolalkaada, waxayna ku siinaysaa kalsooni, iyo waxayna ku siinaysaa dhirigalin. Ku celcelinta xirfadahaaga waxay kaa dhigaysaa xirfadle marka aad joogto goobta shaqada, taas oo aan ula jeedo inaa tahay qof haysta xirfado kale oo badan waxna ku qabsan kara ama ku shaqaysankara. Ma aha micnaheeda barashada xirfad cusub oo kaliya waa laga maarmaan, laakiin sidoo kale ku celcelinta xirfadihii jiray waa muhiim.
3. Take care of yourself and wellbeing
Isdaryeelida macnaheedu waxa ay tahay inaa wakhti galiso waxyaabo u roon naftaada, kaana caawinaya wanaajinta caafimaad kaaga haday noqoto mid muuqaaleed iyo mid maskax ahaaneedba. Marka ay timaado caafimaadkaaga gudaha, isdaryeelka aad ayuu kaaga caawinayaa, tusaale ahaan waxaa awood u yeelankartaa inaa marayso walbahaarka, hoos u dhigto khatartaada jirro, sidoo kale kordhiso tamartaada. Xitaa is daryeelka yar yar ee nolol ee aad samaysid maalin walba waxay kugu leedahay saamayn wayn.
Waa ku wan qaar ka mid talooyin kaa caawinya isdaryeelka naftaada;
Samee jimicsi joogto ah
Samaynta 30 daqiiqo oo jimicsi ah maalin walba ayaa kaa dhigaya mid caafimaad qaba mid niyadeed iyo mid muuqaaleedba. Xaddi yar oo jimicsi ah ayaa is biirsada, marka ha yaraysan hana niyad jabin samee hadba inta aad awoodo.
Eat healthy
Cunto isku dheeli tiran iyo biyo badan ayaa wanaajin kara tamartaada iyo diiraddaada maalinta oo dhan. Sidoo kale, xaddid cabitaanadaada kafeega ku jira sida cabitaanada fud fudud ama kafeega.
Get enough sleep
Hurdada wanaagsan waxay hagaajisaa waxqabadka maskaxdaada, niyadaada iyo cafimaadkaaga. Helitaan la´aanta hurdo tayo leh oo kugu filan oo joogta ah ayaa kor uqaadaysa khatarta cudurro iyo xanuuno badan.

Kommentarer
Legg inn en kommentar