Markii iigu horaysay aan tagay dalka Spain gaar ahaan magaalada Madrid waxaan soo xasuustay wadankaygii, halka aan ka soo jeedo asal ahaan. Maalintaydii ugu horaysay ayaa aan dareemay wax yaalo badan oo isku e kaansho ah, ina soo xasuusinaya wadankaygii( Somalia).
Halka wadanka aan hadda ku noolahay( Norway) iyo Spain ay farqi wayn u dhexeeyaan, oo aad hal mar dareemayso/ arkayso kala duwanaasho aad u ballaaran.
Aduunka dad waliba waxa ay haystaan dhaqan iyo nidaam u gooniyaa, sidaa darteed waa ay wanaagsantahay inaa safarto oo aad booqoto meelo ka baxsan bay´ada aad ku nooshahay si aad u aragto kala duwanaashaha umada dunidan ku nool.
Wax yaalaha aan ka soo arkay dadka isbaanishka qaar ka mid ah ayaa halkan ku xusayaa, waxaana ka mid ah;
- They are friendly
Guud ahaan, Dadka isbaanishka waa dad furfuran fududahayna in la lasheekaysto, mar ka loo fiiriyo inta badan dhaqamada kale ee Yurub. Waa dad hadal badan oo caawimaada ku wanaagsan in kastoo dadka isbaanishka aysan ku hadlin badankooda luuqada ingiriiska hadana way isku dayayaan siday kugu caawin lahaayeen.
Dadka isbaanishka waa dad hadii aad la saaxiibto ama aad la samayso sheeko ku siinkara wax bilaashaa waxa ay doonaan ha ahaatee, taasina waxa ay kuu cadeenaysaa in ay aad ugu fiicanyihiin saaxiibtinimada ama soo dhawaynta.
- They use WhatsApp for communication
Waxa ay aad iyo aad u isticmaalaan WhatsApp-ka. Dalka aan ku noolahay badanaa lagama isticmaalo aaladan, hadii laga isticmaalana aad ayay u yartahay. Aniga markaan hotelka ka dalbaday waxa ay macluumaadka iigu soo direen WhatsApp-ka, anna ma aanan haysan aaladan kadib waxa ay ii sheegeen in aan la socdo WhatsAppka si aan aan macluumaadka halkaas ugala socdo.
Anigoo xogaa arintaa la yara yaaban ayaa Spain tagay, kadib intaas waxaan aan ogaaday in ay WhatsAppka yahay aaladooda isgaarsiineed, meel waliba haday noqoto mukhaayado, xafiisyo, iwm waxay isticmaalaan WhatsApp.
- Most Restaurants, shops and business are close
Dadka isbaanishka waxa ay wax cunaan xilli danbe qadada waa abbaaraha 2-3pm halka cashadana ay tahay abbaraha 9pm ama 10pm. Waa inaad wax ka beddeshaa wakhtiyada cuntada markaad booqato maadaama aanay makhaayadaha badankoodu furmin ama aanay bilaabin bixinta cuntada ilaa ugu yaraan 8pm ama fiidkii dambe. Ha welwelin, si kastaba ha ahaatee, tapas caadi ahaan waa la heli karaa maalinta oo dhan, si aadan u gaajoon doonin.
Tapas dhaqan ahaan waa cuntooyin yaryar oo macaan, cunto fudud ama cuntada Isbaanishka. Waxay noqon kartaa rooti iyo hilib, ama xulashada suxuunta ham, mussels cufan, squid la shiilay, ilaa saytuun ama khudaar. Asal ahaan, Tapas waa saxan yar ama adeeg, waana hab fiican oo lagu tijaabiyo wax cusub.
Badanaa waa ay xiranyihiin dukaamada iyo meheradaha inta u dhaxaysa 2pm-4pm. Dadka waxay dib ugu laabtaan guryahooda, si ay wakhti ula qaataan qoysaskooda ama asxaabtooda.
- Low english level
Ka hor inta aadan u safrin dalka Spain waa inaa sii ogaataa in dadka isbaanishka ku hadlin luuqada ingiriiska. Dadka waa wayn kuma hadlaan ingriis xitaa dhalin yarta kuma hadlaan, aad ayay u yartahay dadka ingriiska ku hadlikara. Laakiin waxaad aad uga maqlaysaa marka aad marayso wadooyinka dad ku hadlaya luuqada ingriiska. Ma aha kaliyaa magaalooyinka yar yar meelaha looga hadlin ingriiska xitaa waa Madrid iyo Barcelona.
Dadka ka shaqeeya xafiisyada iyo hadii ay noqoto dadka ka shaqeeya meheradaha ama meel kastoo ganacsi ma helaysid ama way ku yaryihiin dad ku hadlaya luuqada ingriiska. si kastoo ahaataba dadka waxay aad iyo aad iskugu dayayaan in ay ku caawiyaan intaydoontaba ha qaadatee.
Mid ka mid ah sababaha heerka Ingiriisiga hooseeya waa in Spain ay tahay waddan weyn sidaa darteed waxaad u badan tahay inaad la kulmi doonto dad badan oo aan ka tagin xitaa hal mar noloshooda.

Kommentarer
Legg inn en kommentar