Gå til hovedinnhold

How can you make 2023 your year?


 Sidaan og nahay waxaa jira dad badan oo markay arkaan in sanad cusub soo gali rabo bilaaba hadalo ah waxaan rabaa inaa isbedal sameeyo sanadkan cusub. Hadana ma jiraan wax ay iska bedalaan, sababtoo ah waxay rabaan waxay ku koobaan hadal kaliyaa. Ma jiro ficil sida saxda ahna ma shaqaynayo hadal oo kaliyaa hadiii uunan qofka la imaan ficil. Hadaba su`aasha waxay tahay sidee uga duwanaan kartaa dadkan ugana dhabayn kartaa goolashaada?

Hadaba sooqaado qalin iyo buug qor waxa aad u baahantahay inaa iska bedasho sanadkan cusunb. Si doo kale qor waxyaabaha aad u baahantahay inaa ku soo kordhiso naftaada sanadkan cusub ee soosocda. Ku dhagso qolkaaga darbigiisa waliba meel ay fududahay in sifiican loo arko si aad mar walbe indhahaaga u qabtaan. Taasina waxay kaa saacidaysaa inaa xasuusnaato oo aad waliba ku dhaqaaqdo sameenteeda mar waliba oo aad aragto.

Kadib marka aad samaysay qorshayaashaada sanadka cusub waxaa ku xiga waa wax ay dad badan ku guuldarasteen in ay sameeyaan. Taasina ma aha micnaheeda in ay tahay mid aad u adag amase u fudud. Waa ka rumaynta qorshayaashaada iyo raacida goolasha aad samaysatay  oo waliba hortaada ka muuqda/ ama aad ku dhajisatay qolkaaga. Waa laga yabaa inay xoogaa kugu adkaato maalmaha hore balse waxaa hubaal ah ama xaqiiqa ah inay noqon doonto mid aad u sahlan marka danbe aadna ku faa´iidi doonto. Ku khasab naftaada fulinta qorshayaashaada una sheeg waxtarka faraha badan ee ka danbeeya. U sheeg naftaada inay bari farxidoonto oo aadna abaalmarin doonto howsha quruxda badan ay qabatay. U sheeg naftaada inay awoodo inay samayn karto howshaan waliba sida ugu fiican, una sheeg naftaada inay ku jirto dhisitaankii maalmihii quruxda badnaa, u sheeg naftaada inay dhex damaashaadayso sanadkii ugu fiicnaa abid, dheh hore u soco waxaad haysaaa wadadii saxnayd waa xaqiiq waad ku guulaysan. U sheeg naftaada inaad ka dhigayso sanadkaan sanadkii ugu fiicnaa sanadadii ku soomaray.

Waxaan kula wadaagayaa 3 qodob oo aad u baahantahay inaa ku darto goolashaada sanadka cusub.

  1.  Xooga saar naftaada.

Waa muhiim inaa tahay qof nadtiisa ahmiyada koowaad siiya, hadiii aad naftaada mid maskax ahaaneed iyo mid muuqaaleed ah u dhisto waa hubaal waxaad noqon qof wax tar leh. Maah maah soomaaliyeed ayaa dhahda " tiisa daryeelaa mid kale kudara". Hadaba dhis nafsadaada, shaqsiyadaada mid aqooneed iyo mid diineedba. 

      2.  Noqo qof firfircoon 

Samee maalin kasta jimicsi hanoqo 20 daqiibaba, marka aaad ma qasho samee jimicsi ma ahan micnaheeda aad gym oo kaliya. Waxaad jimicsi ku samayn kartaa gurigaaga adoon meelna aadin waxaadna isticmaali kartaa jirkaaga adoon qalab jimicsi haysan. Waad socon kartaa ama orod bananka ah ayaad samayn kartaaa, muhiimadu waa si kasto oo aad awoodo inaa jimicsi u samayso sameee. 


       3.   Baro maalin kaste wax cusub 

Baro wax kastoo aad u arkaysa inay faa´iido leedahay haba noqoto wax yar hadaydoontee. Baro xirfad cusub hayaraato ama hawaybaato waad ku faa´iidi maalin maalmaha ka mid ah. Kawaran hadaa malinkaste wax yar oo faa´iido leh aad baratid ma qiyaasi kartaa waxtarka ay leedahay. Ku soo kordhi goolashaada baritaanka wax yaabo ama xirfado cusub si ay shaqsiyadaadu u noqoto mid misaan culus.


Hadaba ku dadaal si aad sanadkaan uga dhigan lahayd sanad wanaagsan aadna naftaada waxyaabo qurux badan ugu soo kordhin lahayd, una noqon lahayd qof ka wanaagsan, ka aqoon badan, ka dhisan sanadadii  hore ee la soo dhaafay. Waa hubaal waxaad noqon qof guulaysta aanan i laabin sanadkan una mahadceliya naftisa wax yaabaha hal ku oolka ah ay soo samaysay.



   



Kommentarer

Populære innlegg fra denne bloggen

How to improve the quality of your free time?

  Wakhtiga firaaqada ah ee maanta la joogo waa adagtahay si aad ku hesho wakhti firaaqo ah oo caafimaad qaba. Xilliga laga nasanayo shaqada wali waxay dadku u muuqdaan kuwo mashquulsan oo aanan wakkhti ahayn. Qof waliba waxaa uu ku fooraraa mobile afar geesa oo waxa aad ku qiyaaasaysaa dadkaas in ay ku jiraaan xilli shaqo sida ay u wada mashquulsanyihiin. Xilliga laga nasanayo shaqada dadka waxay badanaa ku qaataan mobile ama computer-kooda oo waa ay ka mashquul badan yihiin sidii marka ay ku jiraan shaqada. Qof waliba waxaa ku jira mobile kiisa inta baraha bulshada abkooda ah( Social medie apps), oo waxa ay hadba soo booqanayaan app ha ahaato youtube, tik tok, snapchat, instagram, facebook, twitter iyo kuwo kaloo badan. Halka dadka qaar haday helaan firaaqo yar ay dul faraysanayaaan computerkooda ama mobile-kooda si ay u daawadaan filimaan ama musasalo. Waxaad arkaysaa waliba dad qaar dhahaya waan dhameeyay filimaanta ku jira Netflix ee ma garanaaysaa meel kale aan filimaan ka daa...

Things you should need to know about spanish people before you visit

Markii iigu horaysay aan tagay dalka Spain gaar ahaan magaalada Madrid waxaan soo xasuustay wadankaygii, halka aan ka soo jeedo asal ahaan. Maalintaydii ugu horaysay ayaa aan dareemay wax yaalo badan oo isku e kaansho ah, ina soo xasuusinaya wadankaygii( Somalia).  Halka wadanka aan hadda ku noolahay( Norway) iyo Spain ay farqi wayn u dhexeeyaan, oo aad hal mar dareemayso/ arkayso kala duwanaasho aad u ballaaran. Aduunka dad waliba waxa ay haystaan dhaqan iyo nidaam u gooniyaa, sidaa darteed waa ay wanaagsantahay inaa safarto oo aad booqoto meelo ka baxsan bay´ada aad ku nooshahay si aad u aragto kala duwanaashaha umada dunidan ku nool. Wax yaalaha aan ka soo arkay dadka isbaanishka qaar ka mid ah ayaa halkan ku xusayaa, waxaana ka mid ah; They are friendly  Guud ahaan, Dadka isbaanishka waa dad furfuran fududahayna in la lasheekaysto, mar ka loo fiiriyo inta badan dhaqamada kale ee Yurub. Waa dad hadal badan oo caawimaada ku wanaagsan in kastoo dadka isbaanishka aysan ku hadl...

Make your day beautiful!

Si aad uga dhigto maalintaada mid qurux badan waxaad is waydiinaysaa, sidee maalintayda uga dhigikaraa mid i faysa ama qurux badan? Hadaba jawaabtu waa mid fudud. Si ay maalintaada u wanaagsanato waxaa lagaaga bahanyahay inaa samayso 3 waxyaabood waxayna kalayihiin sian; 1. Seexo hurdo fiican oo kugu filan.  Waa muhiim unuu qofku seexdo hurdo ku filan si uu caafimaadkiisa uga taxadaro, si ay maalintiisa u noqoto mid dagan iyo ku wayaalo kaloo badan.  2. Ku biloow maalintaada cibaadada Alle. Waa muhiim in aad ilaaliso xiriirka adi iyo Alle idinka dhexeeya si ay kuugu fududaadaan wax walbe, hadaba markaad subixii soo kacdo ku biloow salaada. Ilaali salaada intaad awoodo sababtoo ah waa dawada waxyaalo badan. 3.  Samee maalintaada jimicsi. Jicisi oo aad samayso waxay kaa caawinaysaa in aad dareento firfircooni aadna qabsankarto howlahaaga malineed. Sidoo kale wuxuu kaa caawinayaa inaa sifiican u seexato habeenkii iyo caafimaad ahaanba. Ku dadaal arimahaan si aad u aragto isb...