Si aan wada ognahay dadka badanaa ku fashilma nolosha waay ka dabeecad duwan yihiin dadka ku guulaysta noloshooda oo gaara hormar. Waxay dadkaasi haystaan dabeecado ama caadooyin u gaara oo aad fahmi karto hadii aad la noolaato ama aad in badan la joogto. Caadooyinkaan ay haystaan ayaa ah mid ku hogaaminaysa ama qofka ka dhigaysa mid badanaa guul daraysta o aanan meel garin noloshiisa odhan.
Dadka had iyo jeer ku guul daraysta nolasha ma aha inay leeyihiin 10 calaamadood oo klaiyaa laakiin waxay leeyihiin toban iyo ka badan. Sidaa darteed waxaan halkaan ku soo qaadanayaa 10 kuwaasoo aan u arko inay tahay kuwa yaalaha ugu badan ee keenta in uu qofku nolasha ku guul daraysto had iyo jeer.
Hadaba 10 waxay kala yihiin;
1. Procrastinating
Dib u dhigid, tani waa caadada dadka badanaa aanan ka guul gaarin wax kaste oo ay damcaan in ay sameeyaan. Waxay dib u dhigtaan waxii haboonaa in ay markaas qabtaan iyagoo naftooda ku qancinaya in ay san haysanin wakhti ku filan oo ay ku qabtaan howshaas ama cudur daaro kale. Taas oo keenta maalinba in ay u sii dhiibto maalinta kale ilaa ay soo dhamaadaan fursadihii ay wax badan ku qabsanlahaayeen, markaas ka dhibna waxay bilaabaan shalayto.
Hadaba ma sameeyaan sidaan dadka badanaa guulaysta, sababtoo ah marabaan in ay dib uga dhacaan ka guul gaaristooda waxay ay markaas damacsanyihiin in ay sameeyaan.
2. Blaming
Dadka guulaysta had iyo jeer ma eedeeyaan cidna, sababtoo ah wax kaste oo ku dhaca ama ay wajahaan waxay ka bartaan cashar. Sidaa owgeed macno ma u smaynayso in ay eedeeyaan dadka kale amase naftooda. Laakiin tani waa astaamaha ma guulaystayaasha ina ay mar waliba eedeeyaan dadka kale ee u dhadhoow. Sababtuna waa si ay u helaan cudurdar ama ay u haystaan sababo ay ku hoos gabadaan.
3. Avoiding risk
Hadii aad mar waliba ka cararto in aad la kulanto xaalado adag xilligaad ku jirto ka rumaynta guusha noloshaada hadaba xasuusnoow waligaa ma guulaysanaysid mana awoodaysid in aad rumayso guulahaaga. Si aad u gaarto halka aad hiigsanayso waa inaa awoodo in aad ka hortagto xaalad kaste oo kaa hor imaata .
4. They do not take action
Ma sameeyaan wax ficilaa, noloshooda waxay ku dhamaysanayaaan ku riyoonta waxa ka dhexguuxaya. Waxay fiicantahay in uu qof ku haysto riyooyin qurux badan taasoo uu mar kaste qofku ku riyoodo. Balse tan jirta ayaa ah ku bedal riyadaada ficil si ay riyadaadu u rumoowdo aadna u noqoto qof hamigiisii/riyadiisi rumeeyay.
5. They always focus on the negativ
Mar waliba waxay fiiriyaan dhanka xumaanta iyo khaladaadka. Wxaya dadkani is ku dayaan had iyo jeer is ay u abuuran xumaato, sababtuna waxaayee in ay iyagu ku raaxaastaan wax kastoo dhib ah. Wxayna khaladaad kooda dusha uga tuuraan dadkale ama ay raadiyaan siyaaba kale ay khaladaad kooda ku qarinlahaayeen. Dadkani khaladkooda marna isku ma dayaan in ay cashar ka qaadaan si ay dhoow uga faa´iidaan, halka ay ka cararaan iskana indho tiraan khaladaadkooda.
6. Cudurdaar
Cudurdaarka waa kaa mamnuuc marka aad tahay qof meel fog hiigsanaya oo doonaya inuu gaaro hadafkisa. Hadii aad ku ee dayso khaladaadkaaga ama dhibaatooyinkaaga dadka kale si aad cudurdaar uga dhigato waxaad ku socotaa inaa guuldaraysato. Wa xaqiiq waadna guuldaraysan ugu danbeenta. Dadka guulaysta had iyo jeer ma ogolaadan in uu soo dhexgalo cudurdaar iyaga iyo hadafkooda. Sababtuna waxay ogyihiin in uusan meel gaynayn.
7. Ma ogolaadaan inay cashar ka bataan wixii soo maray
Dadka guuldaraysta waxaa aad u dhiba xasuusta dhibaatooyinka soo maray, khaladaadkooda iyo waliba guuldaradooda. Ayagu ma jecla in ay marna guuldaraystaan sababtuna waa waxay isku qabaan in ay dadka ka aqoon badanyihiin oo ay garanayaan wax waliba.
Hadaba ha iska indho tirin waxaad soo martay. Dib u fiiri khaladaadkii aa soo martay, eegna waxa aad ka baran karto waayo-aragnimadaas.
8. Adkaysi iyo dulqaad
Dadka guuldaraysta ma awoodaan in ay sugaan wakhti dheer waxa ayrabaan in ay ka guulgaraan. Wax kaste dag deg ayay ka dhigaan taas oo keenaysa in ay guuldaraystaan.
Hadab adigu isku day in aad yeelato dulqaad iyo adkaysi aad ku sugto wakhtiga saxda ah ee ay imanayso guushaada.
9. Poor self esteem
Dadka guuldaraysta ku ma haystaan naftooda kalsooni waana sababta ay mar waliba u guuldaraystaan. Aad ayay muhiim utahay in uu qof ku ku kalsoonyahay naftiisa.
10. Give up
Marna ha rajo dhigin wax kastoo kula soo gudboonaada tani waa calaamadaha ugu waawayn ee guuldaraystayaasha. Isku daygu aad buu u wanaagsanyahay noqo mid dhiiragalin ka hela guuldaradaadii hore, samee mar labaad, sadexaad, afaraad ilaa aad ka guulaysanayso.
Inspiration Succeed

Kommentarer
Legg inn en kommentar