Gå til hovedinnhold

Did you know that the people you hang out with or follow on social media have a huge impact on who you are?




Waxaad noqotaaa ama saamayn kugu yeesha dadka aad la nooshahay, ama aad raacdid/saaxiibadaada iyo sidoo kale dadka aad ka daawato baraha bulshada. Hadii aad dad xun xun aad la socoto waxa ay u badantahay inaa dhibsato waxa ay sameeynayaan markaa aad isku cusubtihiin, balse ay caadi kula noqoto maalmo kadib. Waxaa dhici karta inaa bilowdo inaa adna samayso oo aad tijaabiso waxa ay samaynayaan sababtuna waa in ay caadi kula noqdeen wax yaalahaa xun xun ee asaxaabtaaduna sameeyaan. 

Sidoo kale hadii aad baraha bulshada kaga xirantahay dad wax aan fiicnayn ku soo gudbiya saamayn ayay kugu yeelanaysaa. Saamayn maskax ahaaneed iyo mid muuqaaledba ayay kuu gaysankartaa. Hadii aad maantoo dhan daawanayso tusaale dad is caaynaya oo maalintii oo dhan live oogu jira xumaan oo kaliya, waa hubaal way ku saamayn.

 Dadka xun xun waxay rabaan in ay helaan dad badan oo sidooda oo kale ah.
Sidaa darteed waxay si waliba iskugu dayayaan sida ay adina kaaga dhigi lahaayeen sidooda oo kale. Ma la rabaan in uu qof kale uu hormar gaaro.

Waxyaabaha kala kulamaysid dadka xun xun ee kugu xeeran;

Inay ku liidan kuuna sheegaan inaadan gaari karin meesha aad rabtid
Inay kaa sheegaan dhaliilooyin badan 
Inay ku niyadjabiyaan
Inay wakhtiga kaa lumiyaan
Inay kaa soo reebaan dadka fiican oo dhan


Halka hadii aad lasocoto dad wanaagsan kuwaasoo ku faraya wanaaga kaana reebaya xumaanta oo dhan.
Hadii aad la socoto dad fiican waxaa hubaal ah in aad noqonayso sidooda oo kale, hadii ay lacala kugu arkaan adoo wax aanan fiicnayn samaynaya waxay isku dayayaan in ay kaa waaniyaan. Waxaad ku heshaa fursado fiican oo ku anfacaya ayaga awgood sida shaqo iyo wax yaalo kaloo badan. 

La socoshada dadka wanaagsan waxaad noqonaysaa qof nafasadiisa dhisanatahay sababtoo ah waxaad inta aad la joogtid dadkaas ka baranaysaa waxyaabo badan oo qalbiga u roon. Hadii aan tusaale u soo qaadano waxaad la socotaaa dad ahlul cibaado ah oo markaste salaada tukanaya quraanka akhrisanaya, hadaba miyay arintani u roonayn naftaada iyo shaqsi ahaantaada?
Jawaabtu waa haa waa uraantahay marka aad Alle xasuusanatahay way kuu fududanayaan wax waliba.

Dadka wanaagsan aad la socoto mar waliba way ku dhiiri galiyaan, waxayna kugu dhiirigaliyaan sida aad ku gaari lahayd goolka aad nolosha ka leedahay waxayna kuu sheegaan inaa samayn karto sidaa ku gaari lahayd. Markaste waxay kula garabtaagan yihiin dhirigalin iyo wax kaste oo ay kuu awoodaan.

Dadka wanaagsani waxay kaa fogeeyaan oo kaa ilaaliyaan wax kaste oo ku niyad jabinaya, ama kaa hor istaagi kar hormarkaaga iyo meesha aad rabto inaa gaarto waxayna kuu sheegaan ama kuu muujiyaan garab istaag.

Waxay isku dayaan dadka wanaagsan ee aad haysato inay kaa caawiyaan sida aad ku qaadan lahayd doorashooyinka wanaagsan.  Sidoo kale waxay kaa caawinayaan in aad qaadato go´aamo sax oo waliba ku anfacaya.

Hadaba isku day inaa ka fakarto dadkaa la soconaysid iyo dadka ku darsanaysid baraha bulshada dadka ay yihiin. Iska ogoow inay yihiin dad aad wax wanaagsan ka faa´iidaysid, hadaysan ahayn jooji la  sii socodkooda. Markaste ku dadaal ina dadka kugu xeeran ay yihiin kuwo wax tar leh oo kaa reebaya xumaanta kuuna horseedaya wanaaga.


Kommentarer

Populære innlegg fra denne bloggen

How to improve the quality of your free time?

  Wakhtiga firaaqada ah ee maanta la joogo waa adagtahay si aad ku hesho wakhti firaaqo ah oo caafimaad qaba. Xilliga laga nasanayo shaqada wali waxay dadku u muuqdaan kuwo mashquulsan oo aanan wakkhti ahayn. Qof waliba waxaa uu ku fooraraa mobile afar geesa oo waxa aad ku qiyaaasaysaa dadkaas in ay ku jiraaan xilli shaqo sida ay u wada mashquulsanyihiin. Xilliga laga nasanayo shaqada dadka waxay badanaa ku qaataan mobile ama computer-kooda oo waa ay ka mashquul badan yihiin sidii marka ay ku jiraan shaqada. Qof waliba waxaa ku jira mobile kiisa inta baraha bulshada abkooda ah( Social medie apps), oo waxa ay hadba soo booqanayaan app ha ahaato youtube, tik tok, snapchat, instagram, facebook, twitter iyo kuwo kaloo badan. Halka dadka qaar haday helaan firaaqo yar ay dul faraysanayaaan computerkooda ama mobile-kooda si ay u daawadaan filimaan ama musasalo. Waxaad arkaysaa waliba dad qaar dhahaya waan dhameeyay filimaanta ku jira Netflix ee ma garanaaysaa meel kale aan filimaan ka daa...

Things you should need to know about spanish people before you visit

Markii iigu horaysay aan tagay dalka Spain gaar ahaan magaalada Madrid waxaan soo xasuustay wadankaygii, halka aan ka soo jeedo asal ahaan. Maalintaydii ugu horaysay ayaa aan dareemay wax yaalo badan oo isku e kaansho ah, ina soo xasuusinaya wadankaygii( Somalia).  Halka wadanka aan hadda ku noolahay( Norway) iyo Spain ay farqi wayn u dhexeeyaan, oo aad hal mar dareemayso/ arkayso kala duwanaasho aad u ballaaran. Aduunka dad waliba waxa ay haystaan dhaqan iyo nidaam u gooniyaa, sidaa darteed waa ay wanaagsantahay inaa safarto oo aad booqoto meelo ka baxsan bay´ada aad ku nooshahay si aad u aragto kala duwanaashaha umada dunidan ku nool. Wax yaalaha aan ka soo arkay dadka isbaanishka qaar ka mid ah ayaa halkan ku xusayaa, waxaana ka mid ah; They are friendly  Guud ahaan, Dadka isbaanishka waa dad furfuran fududahayna in la lasheekaysto, mar ka loo fiiriyo inta badan dhaqamada kale ee Yurub. Waa dad hadal badan oo caawimaada ku wanaagsan in kastoo dadka isbaanishka aysan ku hadl...

Make your day beautiful!

Si aad uga dhigto maalintaada mid qurux badan waxaad is waydiinaysaa, sidee maalintayda uga dhigikaraa mid i faysa ama qurux badan? Hadaba jawaabtu waa mid fudud. Si ay maalintaada u wanaagsanato waxaa lagaaga bahanyahay inaa samayso 3 waxyaabood waxayna kalayihiin sian; 1. Seexo hurdo fiican oo kugu filan.  Waa muhiim unuu qofku seexdo hurdo ku filan si uu caafimaadkiisa uga taxadaro, si ay maalintiisa u noqoto mid dagan iyo ku wayaalo kaloo badan.  2. Ku biloow maalintaada cibaadada Alle. Waa muhiim in aad ilaaliso xiriirka adi iyo Alle idinka dhexeeya si ay kuugu fududaadaan wax walbe, hadaba markaad subixii soo kacdo ku biloow salaada. Ilaali salaada intaad awoodo sababtoo ah waa dawada waxyaalo badan. 3.  Samee maalintaada jimicsi. Jicisi oo aad samayso waxay kaa caawinaysaa in aad dareento firfircooni aadna qabsankarto howlahaaga malineed. Sidoo kale wuxuu kaa caawinayaa inaa sifiican u seexato habeenkii iyo caafimaad ahaanba. Ku dadaal arimahaan si aad u aragto isb...