Dib u dhigidda waa waxa ugu weyn ee kaa fogaynaya guusha dadka badanaa aad ayey ugu fiican yihiin dib u dhigidda. Ma is waydiisay maxay tahay sababta aad ugu dib dhiganaysid howshaada adoo isla hadda samayn kara, adigoo samaynkara hadda maxay tahay sababaha aad ugu raadinaysid cudurdaar si aad dib ugu dhigto.
Dib u dhigiddu waxay dhacdaa markaa dib u dhigto howl muhiim ah illaa ay heer cawaaqib xumo ah ku yeelato howlahaaga iyo wanaaga mustaqbalkaaga fog.
Marka la eego dhinaca nafsiga ah, dib u dhigadda waa nooc ka mid ah isxakamaynta dareenka. Dadka badanaa waxay dib isugu dhigaan si aysan u dhicin raaxo daro nolosha, sababta waxay la xiriirtaa waxa ay rabaan in ay sameeyaan. Waxa ay ka baqayaan in ay dhacaan waxa ay ka cabsanayaan taas oo ah in ay ku guuldaraystaan howlahooda muhiimka ah. Tani waa sababta aan ugu nugulnahay in aan dib u dhigno howlaha cusub aan rabno in aan bilowno samayntooda. Waxaan ka walwalsanahay in ay na dareensiiyaan niyad jab, daal, caajis iyo waliba guul darro.
Sababaha keena dib u dhiga;
- Cabsida Guul-darrida
Ka cabsashada waxa dhici-doona waa qayb ka mid ah dib u dhigga. Ka cabsashada in ay kaa khaldamaan howlahaaga waxay kaa dhigayaan qof fulay ah oo aan awoodin in uu sameeyo wax cusub ama uu tijaabiyo wax yaalo cusub. Ka cabsashada waxa dhici doona ayaa naga dhigaysa mid u nugul in aynaan isku dayin in aan tallaabo hore loo qaado. Ceeb maaha in qofku shaqadiisa ku fashilmo ama uu u noqon waayo sidii uu rabay, balse waxaa ceeb ah in aynaan isku dayin in aynu wax cusub la imano ama aynu isku dayno in aynu wax cusub samayno. how to achieve your goals?
- Don´t know where to start
Dad badan ma agaranayaaan meel ay wax ka bilaabaan, gaar ahaan dhalinyarada. Waxaa laga yaabaa in maskaxdaada ay wax ka dhex guuxayaan laakiin aaadan garanayn halka aad ka bilaabi lahayd, sidaad u bilaabi lahayd iyo wakhtiga aad bilaabi lahaydba. Mararka qaar waxaa dhici kata in aadan fahmin waxa kaa dhex guuxaya waxa ay yihiin. Haddaba ka fakar waxa aad rabto inaa bilowdo samayntooda, marka aad ka fakartid qor waxa aad ka fakartay. Hadii aad garanayso dad horay u samayeeyay arintaan oo ka guulgaaray la sheekayso iyaga waydii siday kaga guulgaareen arintaan, sidoo kale waydii haday wax tallo ah kugu darsankaraan ama wuxuun kaa caawin.
- Dhiirigelin la´aan
Mararka qaar sababta ka danbaysa dib u dhigista waxay noqon kartaa mid aad u cad. Mararka qaar dhiiri galintu waxay nasiisaa inaa aan yeelano awood aan ku wanaajino howlaheena. Tusaale ahaan meel aad ka shaqayso ayaa la siiyaa qofka abaal marin, la dalacsiiya ama lacag kordhin ayaa loo samaeeyaa, hadii uu qofka shaqo wanaagsan uu qabto. Mararka qaar marka uu qofku helin mid ka mid ah abaalmarinta howsha, waxaa dib u dhaca dhiiri galinta sii wadida howshaas.
Mararka qaar waxaa keena dhiirigalin la´aanta;
- Yoolal la´aan
- Bay´ad xumida
- Kal sooni la´aan
- Ka cabsashada waxa ay dadka ku dhihi doonaan
- Ka baqista in la bilaabo wax cusub
- Listening to negative people
- Tamar la´aan
Qaar badan oo inaga midaa waxaa dib u dhiga dareemida awood la´aan ay wax ku qaabtaan ama ku bilaabaan howl, Waxa ay ka eed sheegtaan caajis iyo rabi taan la´aan taas oo ku khasbaysa in aysan waxba qaban. Si aad u yeelato awood kugu filan aad ku qabsan karto howlahaaga, seexo hurdo kugu filan.
Ma oga dadka qaar in ay tahay caafimaad hurdo kugu filan oo aad seexato. U samee jadwal hurdaada, inaa seexato habeenkii xilli hore halka aad dhafri jirtay, seexo xilli isku wada midaa. Adigoon samayn jimicsi waxa ay ka mid tahay waxyaabaha keenaya inaa maalintaada ahaato mid caajisaa oo aanan la hayn fir fircooni. Sidoo kale waa muhiiim inaa iska wanaajiso cuntada.
Buugaan ayaa aad uga hadla dhib u dhigista, hadii aad tahay qof aad ugu dhiban dhib u dhigista waxaan kuu soo jeedinayaa inaa akhrisato buugaan waa hubaal wuu ku caawin doonaa Happy brain habits.
.jpg)
Kommentarer
Legg inn en kommentar