Qof waliba waxa uu leeyahay waxaan rabaa inaa yoolalkayga gaaro oo ka rumeeyo. Laakiin ma iswaydiisay waa maxay micnaha yool?
Waa maxay yoolka aad nolosha ka leedahay?
Sideena ku gaari kartaa yoolalka aad nolosha ka leedahay?
Hadii aad iswaydiisay su´aalahan kor ku xusan waa hubaal waad ka dhabayn kartaa hadafkaaga.
Yool waxaa weeye hadaf uu qofku leeyahay rabana inuu gaaro. Qof waliba yool wuu lahaan karaa laakiin tan ugu muhiimsan waa ma ka dhabayn kartaa gaarida yoolka aad leedahay ee maskaxdaada ka guuxaya oo aad ku riyooto maalin iyo habayn.
Hadii aad leedahay yool nolosha ha ku haysan kaliyaa niyada, soo qaado qalin iyo buug, ka fakar waxa aad doonayso inaa gaadho, kadib qaado go´aan sax ah oo ka soo go´ay si qalbiyan ah. Qor yoolashadii aad ka fakartay oo aad go´aansatay inaa ka dhabeenaysid samayntooda.
Kadib qorshee tilaabooyinka aad u baahantahay inaa qaado si aad yoolkaaga u xaqiijiso. Dejinta yoolku waa hab awood leh oo aad ugu fikirto mustaqbalkaaga saxda ah iyo in aad ku dhiirigaliso inaad aragtidaada mustaqbalka u bedasho mid dhab ah.
Dajinta yoolka waxay kaa caawinaysaa halka aad rabto inaa gaarto noloshaada. Adigoo si sax ah u og meesha aad rabto inaa gaadho iyo waxa ay tahay guushada, waxaad garanaysaa waxa ay tahay inaa xoogga saarto.
Hadaba deji yoolalkaaga, kana dhig kuwo imaada oo rumooba.
Halkee ka bilaabi kartaa dajinta qorshahaaga;
- Go´aanso
Ka fakar waxa aad rabto inaa samayso ama aad gaarto ma yihiin wax ay naftaada rabto ama ay xiisaynayso. Hadii uu yoolkaaga yahay wax naftaada rabto waxaa kuu fududaanaya wadada aad u mari lahayd helitaanka ama gaarida yoolkaaga. Sababtoo ah waxa aad samaynayso waa wax ay naftaadu danaynayso. Marka ku salee yoolkaaga waxa ay naftaadu jeceshay in ay samayso. Ha samayn wax aad rabto in aad qof kale ku qanciso ama dadka ayaa badankooda sameeya sidaa darteed waa inaa ana sameeya. Taasi waxay adkaynaysaa gaarida ama ka dhabaynta hadafkaaga.
- Qor yoolashaada
Qoritaanka yoolashaada waxay kordhisaa fursadaha aan ku adkaysan karno. Aad ayay u fiicanatahay hadii aad qorto sida aad ku gaari lahayd yoolkaaga iyo waktiga aad rabtid inaa gaadho. Ku cadee yoolkaaga waxa aad rabto inaa samayso iyo wakhtigaba tusaale" waxa aan rabaa inaa beerto tufaax maanta waxaana rabaa inay soobaxaan oo aan ka gurto miraha sanadka danbe bisha 9aad".
- Ka dhig yoolalkaaga kuwo fudud oo aad samayn karto
Si aad uga dhigto yoolkaa mid fudud, sameee goolal kale oo yar yar. Sida inaa tagto maalin waliba goobaha jimicsiga si toos ah ama aad samayso orod maalin waliba. Yoolalkaa yar yar marka aad si dhabaa u samayso maalin waliba waxaa kuu fududaanaya inaa yoolalkaaga waawayn aad ka dhabayso. Ka rumaynta yoolalkaaga yar yar waxa ay kugu dhiiri galinayaan garitaanka yoolashaada waawayn.
- Sii mudnaanta yoolashaada
Ha samayn yoolal badan hal mar, waa xaqiiq waad ku fashilmaysaa waxaana laga yabaa inay ay kugu yeelato saamayn. Waxaa laga yaabaa in aad isku qaadato qof aan waxba ka soo baxi karin oo khasaaray. Aadna ka niyad jabto samaynta yoolal cusub ee nolosha. Hadaba samayso yoolal aan badnayn oo sii mudnaanta, galina wakhtigaaga inta u badan si aad u gaarto yoolashaadaas.
- Sii wad dajinta yoolkaaga
Sii wad samayta gaaritaanka yoolashaada, waa in aad ku dhiirigalisaa naftaada sida ay ku guulaysan lahayd oo ay tahay guusheeda in ay gaarto yoolalkeeda. Ku dhiira galinta naftaada sida ay u rumayn lahay gaaritaanka hadafkaaga waa habka ugu wanaagsan ee imaanshaha guushaada.
- Dabaaldag
Marka aad gaarto hadafkaaga wakhti qaado si aad ugu raaxaysato guushaada. Waad u qalantaa inaa raaxaysato, samaysidna wax walbe ee naftaada jeceshahay. Sidoo kale abaal mari naftaada ka soo gudubtay wadadii adkayd ee loo soo marayay guusha, kuuna rumaysay rajadii aad lahayd oo kuu soo hoyisay guusha ugu dabayntiii. sidoo kale u mahadceli dhamaan intii ku soo caawisay oo ku tusisay garab istaaga. Dabaaldag waad u qalantaa farxada, waad mutaysatay guusha waxad tahay qof riyadiisa ka rumaynkara.

Kommentarer
Legg inn en kommentar