Gå til hovedinnhold

Make a plan for your day


Maalintaada oo aad u samayso qoshayaal cad cad waxay kaa caawinaysaa wax yaalo aad u badan oo ay ka mid tahay in ay maalintaada ku soo dhamaato si aad u qurux badan adigana aad dareemayso in aad ka faa´iidaysatay maalintaada iyo waliba farxad. Sidoo kale maalintaada oo leh qorshe toosan waxay kaa dhigaysaa qof aan hadba dhinicii la rabo loo leexin karin, waxay kaa dhigaysaa qof ku fadhiya micno wayn oo leh hadaf.

Ma ogtahay in maanta la helayo boqolaal qof oo iska soo kaca oo aan haysan wax qorshe ah maalintooda.
Hadaba dadkaasi waa sidee maalintooda, sideena ku dhamaanaysaa maalintooda bilaa qorshaha ah. Dadka ku soo kaca maalintooda qorshe la´aan waxay ka dhigaysaa in uu qofku dareemo in maalintiisa ku dhamaatay micno daro oo qofkana shakhsi ahaan dareemo tayo la´aan ama qof liita oo isku faraxsanayn. Waxayna taas sababaysaa in uu qofku ka cabto noloshiisa una arko in uu san haysan  nolol wanaagsan iyo maalmo qurux badan. Markaasna wuxuu qofku bilaabayaa inuu raadiyo cudurdaar uu ku daboolayo sababta uu u haysto maalmo ku salaysan wax qabad la´aan, caajis, firfircooni la´ aan iyo maalintii oo ku dhamaanaysa micno daro. Sidoo kale maalintaada oo aan qorshe haysan waxay kuu horseedaysaa in aad iska raacdo qof walbe, oo aad samaysid wax aan micno kuugu fadhin dilayana shaqsiyadaada qof ahaaneed. Ku soo kicidaa qorshe la´aan waxay kugu kalifaysaa inaa yeelato saaxiibo xun xun oo aduun rajo ka lahayn, iska soo kaca maalintooda seexdana habeenkiii. Ma jiraan hadaf iyo homar ay ka leeyihiin aduunka waxayna doonayaan in ay ka dhigaan sidooda oo kale qof kaste oo aan lahayn caqli ku filan iyo hadaf nololeed.

Hadaba waa maxay faa´iidada haysashada qorshe maalmeed. Dadka leh hami dheer oo haysta qorshoyaal maalmeed, waa dadka badanaa gaara hormarka wax ku oolka ah oo qof waliba arki karo. Waxaad qabanaysid maalintaada oo aad ogtahay waxay kaa dhigaysaa qof aan wakhti u haynin wax yaabaha bilaa macnadarada ah sida ( iska raacida asxaabta markaste, fariishada fadhi ku dirirka iyo balwadaha xun xun).
Maalintaada oo qorshaysan waxay kaloo faa´iido leedahay in aad noqoto qof ku fakara sidaad ku sameen lahayd hormar iyo inaa ku sii dhiiratid in aad samaysato qoshayaal aad noloshaada kor ugu sii qaadaysid.
Waxaad kaloo dareemaysaa qanacsanaan nafsad ahaaneed iyo ku qanacsanaan waxa aad qabatay oo dhan.
Waxaad ka helaysaa dhiirigalin in aad samayn karto intaas in ka badan, samayn kartana qorshayaal kaloo farabadan taas oo kugu dhiirigalinaysa in aad samayn kato maadaama aad ka soo baxday qorshahaagii maalmeed. 

Su´aashu waxay tahay sidee qofku ku samayn karaaa qorshe maalmeed

4. Talo oo aad qorsho/jadwal ku samayn karto maalmahaaga


1. Qor waxaad qaban lahayd maalintaada habeenkii

Aad bay u fiicantahay inaa qortid waxaad samayn lahayd maalintaada barito, tani waxay kaa caawinaysaa in aadan ilaawin waxaad samayn lahayd. Xooga saar inaa ka soo baxdid/samaysid qorshahaagii maalmeed. Xoogana siisaar waxyaalaha kuugu muhiimsan in aad samaysid maalintaada.

2. Ku salaysii qorshahaaga maalinlaha ah kuwa mustaqbaleed

3. Qor wax yaabaha aad ka faa´iiday/ ka baratay maalintaadi hore 

Hadii aad qorto hal ama labo wax oo aad ka faa´iiday maalintaadii hore waxay kugu dhiirigalinaysaa inaad samayso ama aad raacdo qorshayaashaada maalmeed. Sidoo kale waxay kugu dhiiri galinaysaa inaa jadwalkaaga maalmeed ku dartid wax yaalo badan oo faa´iido leh maalinba maalinta ka danbaysa.

4. Wad samayta qorshayaashaada maalmeed

Ha ka daalin in aad samayso jadwal maalintaada waa hubaal waxaad ka faa´iidaysaa wax aadan filanayn, laakiin aad gadaal ka arki doonto ugu danbayna aad ku gaaraysid hormar.

Kommentarer

Populære innlegg fra denne bloggen

How to improve the quality of your free time?

  Wakhtiga firaaqada ah ee maanta la joogo waa adagtahay si aad ku hesho wakhti firaaqo ah oo caafimaad qaba. Xilliga laga nasanayo shaqada wali waxay dadku u muuqdaan kuwo mashquulsan oo aanan wakkhti ahayn. Qof waliba waxaa uu ku fooraraa mobile afar geesa oo waxa aad ku qiyaaasaysaa dadkaas in ay ku jiraaan xilli shaqo sida ay u wada mashquulsanyihiin. Xilliga laga nasanayo shaqada dadka waxay badanaa ku qaataan mobile ama computer-kooda oo waa ay ka mashquul badan yihiin sidii marka ay ku jiraan shaqada. Qof waliba waxaa ku jira mobile kiisa inta baraha bulshada abkooda ah( Social medie apps), oo waxa ay hadba soo booqanayaan app ha ahaato youtube, tik tok, snapchat, instagram, facebook, twitter iyo kuwo kaloo badan. Halka dadka qaar haday helaan firaaqo yar ay dul faraysanayaaan computerkooda ama mobile-kooda si ay u daawadaan filimaan ama musasalo. Waxaad arkaysaa waliba dad qaar dhahaya waan dhameeyay filimaanta ku jira Netflix ee ma garanaaysaa meel kale aan filimaan ka daa...

Things you should need to know about spanish people before you visit

Markii iigu horaysay aan tagay dalka Spain gaar ahaan magaalada Madrid waxaan soo xasuustay wadankaygii, halka aan ka soo jeedo asal ahaan. Maalintaydii ugu horaysay ayaa aan dareemay wax yaalo badan oo isku e kaansho ah, ina soo xasuusinaya wadankaygii( Somalia).  Halka wadanka aan hadda ku noolahay( Norway) iyo Spain ay farqi wayn u dhexeeyaan, oo aad hal mar dareemayso/ arkayso kala duwanaasho aad u ballaaran. Aduunka dad waliba waxa ay haystaan dhaqan iyo nidaam u gooniyaa, sidaa darteed waa ay wanaagsantahay inaa safarto oo aad booqoto meelo ka baxsan bay´ada aad ku nooshahay si aad u aragto kala duwanaashaha umada dunidan ku nool. Wax yaalaha aan ka soo arkay dadka isbaanishka qaar ka mid ah ayaa halkan ku xusayaa, waxaana ka mid ah; They are friendly  Guud ahaan, Dadka isbaanishka waa dad furfuran fududahayna in la lasheekaysto, mar ka loo fiiriyo inta badan dhaqamada kale ee Yurub. Waa dad hadal badan oo caawimaada ku wanaagsan in kastoo dadka isbaanishka aysan ku hadl...

Make your day beautiful!

Si aad uga dhigto maalintaada mid qurux badan waxaad is waydiinaysaa, sidee maalintayda uga dhigikaraa mid i faysa ama qurux badan? Hadaba jawaabtu waa mid fudud. Si ay maalintaada u wanaagsanato waxaa lagaaga bahanyahay inaa samayso 3 waxyaabood waxayna kalayihiin sian; 1. Seexo hurdo fiican oo kugu filan.  Waa muhiim unuu qofku seexdo hurdo ku filan si uu caafimaadkiisa uga taxadaro, si ay maalintiisa u noqoto mid dagan iyo ku wayaalo kaloo badan.  2. Ku biloow maalintaada cibaadada Alle. Waa muhiim in aad ilaaliso xiriirka adi iyo Alle idinka dhexeeya si ay kuugu fududaadaan wax walbe, hadaba markaad subixii soo kacdo ku biloow salaada. Ilaali salaada intaad awoodo sababtoo ah waa dawada waxyaalo badan. 3.  Samee maalintaada jimicsi. Jicisi oo aad samayso waxay kaa caawinaysaa in aad dareento firfircooni aadna qabsankarto howlahaaga malineed. Sidoo kale wuxuu kaa caawinayaa inaa sifiican u seexato habeenkii iyo caafimaad ahaanba. Ku dadaal arimahaan si aad u aragto isb...