Akhrinta buugaagta aad ayeey muhiim u tahay sababtoo ah waxay kaa caawinaysaa inaa balaadhiso maskaxdaada oo ay ku siiso fikrado badan. Wax akhriska waxa uu leeyahay faa´iidooyin badan haday noqoto mid caafimaad jir aahaaneed ama mid maskax ahaaneed. Faa´iidada wax akhriska waa mid aan dhamaan.
Sidoo kale wax akhriska waxa uu u fiicanyahay ama uu wanaajiyaa, xasuustaaada, saarida xooga howlahaaga, xirfadaada iyo dareenkaaga. Wax akhriska waxa uu kaa caawinkaraa yaraynta walbahaarka, xanuunada dhimirka iyo waxay kaa caawinkartaa inaa noolaan karto wakhti dheer.
Hadaa barto naftaada inaa akhriso mar walba buugaagta, waa hubaal waxaad arkidoontaa isbedal naftaada haba noqoto wakhti dheer ama mid gaaban.
Waxaa jira dad badan oo jecel in ay wax akriyaan hadana aanan samayn. Hadaba rabitaankaaga waxaad u bedeli kartaa ficil si fudud. Sida xaqiiqda ah ficil la´aan waxba ma isbedalayaan, dadka waxaa dib u dhiga waa in ay dhahaan bari ayaa bilaabayaa in aan wax akhriyo. Bari markii lagaarana waa bari-da xigta, sidaadarteed ma jirto wax ladhoho bari waa joogtaa wakhtiga saxda ah ee biloow.
Waxaan halkaan ku xusayaa talloyin aan idinkula talinlahaaa inaa samaysaan si aad nafta ula qabad siisaan wax akhriska.
1. Samayso meel wax-akhris
Haysashada goob wax akhris waxay u fiicantahay inaa dareento rabitaan ah inaa wax akhriso, ayna kaa caawiso aragtida aad arkayso mar waliba inaa fadhiisato oo waxuun iska akhriso haba yaraadaane.
Qurxi goobta wax akhriska oo ka dhig mid aad mar waliba rabto inaa fadhiisato, sidoo kale waa muhiim xilliga aad wax akhrinayso in ay tahay goobtu mid dagan oo aan kaa mashquulinayn wax akhriskaaga.
Goobta aad u samaynayso wax akhriska waa in aad u ekaysiisaa goob wax akhris oo aad ku haysataa buugaag dhowr xabbo oo kala duwan. Sidoo kale qalin iyo buug aad wax ku qorto marka aad wax akhrinayso.
Waa ina goobta wax akhriska tahay mid aadan dhib ku dhareemayn, taas oo micnaheeda tahay in ay qalabka aad isticmaalayso ama kursiga iyo miiska ay yihiin kuwo kugu haboon suurtagalinayana wakhtigaaga wax akris inuu ku dhaamaado si qurux badan.
2. U akhri si joogta ah
Wax akhriskaaga ka dhig mid joogta ah dadka lagu tiriyaa in ay yihiin akhriste wanaagsan waxay si dhab ah u qataan wax akhtrinta. Taas oo micnaheeda tahay in ay si joogta ah wax ay u akhriyaan, oo markaste ay wataan buugaag sidoo kale ay raadinayaa kan xiga oo ay akhrin lahaayeen.
Lahaanshaha hab-wax-akhris maalinle ah waa dabeecad muhiim ah oo uu leeyahay akhristahawanaagsan.
Had iyo jeer ka qayb qaadashada hawshan, waxay ilaalin karaan laxanka wanaagsan waxayna heli doonaan faham wanaagsan oo ku saabsan faa'iidooyinka akhriska.
3. Akhri wax-yaabaha aad xiisayso
Waxay aad ugu dhowdahay inaad wax akhrido marka ay tahay waayo-aragnimo xiiso leh oo soo jiidasho leh. Hadii aad akhrinayso buugg aad xiisaynin ama dookhaaaga buugaagta ahayn waxaa dhici karta markaa wax yar akhriso inaa dhigto oo aad howlo kale is gasho.
Soo hel buugaag la xidhiidha hiwaayadahaaga, yoolalkaaga shaqo, ama mawduuc kicinaya xiisahaaga.
Waxaa jira buugaag ka hadlaya mawduuc kasta oo la qiyaasi karo, iyo helitaanka maktabadaha maxalliga ah, dukaamada buugaagta, iyo internetka macnaheedu waa in dhammaantood ay ku jiraan gacantaada.
Ha ku koobin kaliya hal-abuur. Buugaag majaajillo ah iyo sheeko-yaqaanno riwaayado o ah ayaa ah hab fiican oo carruurta iyo da'yarta loogu soo jiido akhriska. Ururinta sheekooyinka gaagaaban ayaa ah ikhtiyaar wanaagsan kuwa aan rabin in ay go'aansadaan in ay akhriyaan shaqo dheer.
Akhri joornaalada daboolaya meelaha aad xiisaynayso. Haddi ay dantaadu ku jirto dayactirka mootada, beerista, daawashada shimbiraha, ama dhismaha qarniga 19-aad, waxa jira joornaal adiga ku habboon. Qaar badan oo kuwan ka mid ah waxay ka kooban yihiin maqaallo dheer oo si wanaagsan loo soo ururiyey.
4. Qor wax halka aad ku guddo jirto wax akhriska
Qor qaybaha ugu muhiimsan ama aad is leedahay way haboontahay inaan qaybtaan qorto, waxay kaa caawinaysaa inaa aadan ilaawin waxa aad akhrisay. Marka aad qorto waxa aad akhrinayso waxay kaa caawinaysaa inaa xasuusnaato wakhti dheer.
Sidoo kale inaa qoddobo ka qorto waxa aad akhrinayso waxay aad ugu fiicantahay inaa kor ka sheegi karto si kooban waxa aad akhrisay ama aad fahan buuxa ka haysato.
.png)
Kommentarer
Legg inn en kommentar