Gå til hovedinnhold

How was my holiday in Madrid, Spain?

 



Maalin maalmaha ka mid ah ayaa saa aan u joogay igu soo dhacday inaa qaato fasax banaanka wadanka aan ku noolahay. Markaas ma aanan garanayn meel aan ku qaato fasaxayga, sida caadada ii ah waxaa aan bilaabay inaa raadiyo oo aan ka fakaro meesha aan fasaxayga ku soo qaadan lahaaa. 

Intaas ka dhib ayaa waydiiyay naftayda wadanka ay rabto ama ay jeclaan lahayd inay tagto waxa ugu wayn ee ay ka fiiranayso. Markaas waxaan soo ogaaday in aan rabo inaa u tago/u dhoofo wadan qorax leh, maadaama aan ku noolahay wadan qaboow ah oo barafka ku badan yahay.

Google-ka ayaan waydiiyay wadan qorax leh oo aan  qaboobeen oo hadana ku fiican dalxiiska, waxaana ka mid noqday wadamada uu iisoo jeediyay in aan ku soo qaato fasaxayga, wadankan Spain oo aan u doortay inaa ku soo qaato fasaxaygan kooban.

Intaas ka dib waxaan bilaaway in aan hadana waydiiyo dadka horay ugu tagay fasax wadankan Spain sida ay tahay iyo in ay fasaxa ku fiicantahay. Dhamaan dadaka aan waydiiyay waa ay ii amaaneen wadanka ana horay way ugu jirtay liiska wadamada aan rabo in aan mar uun fasax ugu tago.

Kadib raadin badan halka uu ku haboon yahay fasaxayga koobahan waxaa go´aan saday inaa u doorto dalka Spain gaar ahaan magaalda caasumada u ah ee Madrid. 


How is the weather in Madrid?

Waxaan imaaday xilli uu wadanka ku jiro qaboow waxayna u ahayd bisha labaad, bisha labaadna waa xilliga jiilaalka/winter. Xilliga jiilaalka waa ay ka qaboowdahay xilliyada kale, hasayeeshee ma aysan jirin qaboow laga cabanayo maalintii oo dhan waa qorax iyo kulayl, habeenkii ayaa noqonayso xogaa qaboow.

Marka loo fiiriyo Spain wadamada kale ee Europe sida Scandinavia aad ayay ooga kulushahay, oo hadii aad ka i maato wadama qaboowga oo aad i maato dalka Spain waxaa aad dareemaysaaa in aad ku jirto xilliga xagaaga. 


How is spanish people?

Dadka isbaanishka waxay ay leeyihiin dhaqan firfircoon oo diiran. Dadka waa kuwo iska faraxsan, caawinta ku wanaagsan oo aad u furfuran.Waxay mudnaan siiyaan qoyska waxayna sameeyaan waqti ay ku raaxaystaan la-socodka dadka ay jecel yihiin. Waxay u nool yihiin inay nolosha ku raaxaystaan, taasina waa sababta ay u yiihin dad firfiroon oo iska faraxsan.

Sidoo kale dadka isbaanishka ah waa dad ku wanaagsan saaxiibtinimada, oo hadana naxariis badan gaar ahaan marka loo fiiriyo dadka kale ee qaarada Yurub. Waxay jecelyihiin inay wada kulmaan wada cabaan, wada qaataan farxada ayna wada cunteeyaan.



Must visit places in Madrid;

1. Gran Via

Dalxiiska ugu weyn iyo halbowlaha wax iibsiga ee bartamaha caasimadda wuxuu ka bilaabmaa C/Alcalá wuxuuna socdaa 1.3 kiiloomitir ilaa dhamaadka Plaza de España. In ka badan 100 sano, Gran Vía wuxuu lahaa magacyo kala duwan iyadoo ku xiran dowladda marka jirta. Intii lagu jiray Dagaalkii Sokeeye ee Isbaanishka, waxaa caan ku ahaa Waddada Madaafiicda sababtoo ah madfacyadii ayaa ku dhammaaday laamiyada iyo dhismayaasha. Sannadkii 1981kii, intii lagu jiray Kala-guurka Isbaanishka, waddada caanka ah waxaa loogu magac daray Gran Vía. Inta lagu jiro taariikhdeeda dheer, Gran Vía waxay hoy u ahayd dukaamada waaweyn ee Madrid iyo qaar ka mid ah meelaha madadaalada ugu fiican ee magaalada.



2. El Retiro park

Waa mid ka mid ah meelaha cagaarka ah ee ay inta badan isticmaalaan dadka maxalliga ah waqtiyada firaaqada. Beertu lagama helo oo kaliya caws ballaadhan iyo geedo si fiican loo qurxiyey - waxaad ka arki kartaa taallooyin ka hadhay qarniyadii hore, oo ay ku jiraan tii Alfonso XII, oo ah shaqo gumeysi oo uu sameeyay José Grases Riera oo eegaya balliga; Casón del Buen Retiro, oo mar qol-balleed qurux badan oo hadda qayb ka ah Matxafka Prado; iyo Palacio de Cristal, oo loo dhisay 1887 bandhigga Filibiin. Jardiinooyinka El Retiro waxay ku faanaan xitaa wax yaalo kale oo qurux badan, oo ay ku jiraan beerta ubaxa, xarunta dhaqanka ee Casa de Vacas, iyo ilo iyo sawirro badan, oo ay ka mid yihiin farshaxannada caanka ah ee 'Ángel Caído' ('Malaa'ig dhacday'). 

Waxaa i maada dad aad u badan sida dad ku samaynaya isboorti/ jimicsi, kuwo dalxiis u yimaaday, arday iyo dad kaloo badan. Beertu waxay leedahay meelo wax laga cuno ama laga cabo iyo wax yaalo badan oo madadaalo ah.



3. Plaza Mayor

Waxaad ka heli doontaa bartan astaanta u ah bartamaha degmada taariikhiga ah ee magaalada. Markii uu hoy u ahaa suuqa ugu caansan dabayaaqadii qarnigii 15aad, maalmahan barxaddu waa xarunta dhexe ee Xarunta Dalxiiska ee Madrid. Taallada fardooleyda ee Felipe III ee ku taal bartamaha fagaaraha waxaa naqshadeeyay Giambologna waxaana dhameystiray Pietro Tacca 1616. Shaqada kale ee muhiimka ah ee aagga ayaa ah Arco de Cuchilleros, oo ah midka ugu caansan sagaalka albaab ee laga soo galo barxadda. Jidka qadiimiga ah waa shaqada Juan Villanueva, kaas oo, ka dib dabkii ba'naa ee 1790, go'aansaday in la yareeyo wejiyada laba heer, ka xiro barxadda, oo kor u qaado sagaalka qaanso, sidaas darteed cabbirka ugu weyn ee leh jaranjaro aad u weyn ayaa siin doonta marin. ilaa C/Cuchilleros.

Plaza Mayor waxaa ku dhex yaalo makhaayado badan iyo tukaano waawaynba, waana meel ay tahay inaa tagto hadiii aaad Madrid joogto.


Sidoo kale waxay ay Madrid leedahay meelo badan oo ku fiican dalxiiska oo aadna ka helidoonto.


traveling in Spain

Kommentarer

Populære innlegg fra denne bloggen

How to improve the quality of your free time?

  Wakhtiga firaaqada ah ee maanta la joogo waa adagtahay si aad ku hesho wakhti firaaqo ah oo caafimaad qaba. Xilliga laga nasanayo shaqada wali waxay dadku u muuqdaan kuwo mashquulsan oo aanan wakkhti ahayn. Qof waliba waxaa uu ku fooraraa mobile afar geesa oo waxa aad ku qiyaaasaysaa dadkaas in ay ku jiraaan xilli shaqo sida ay u wada mashquulsanyihiin. Xilliga laga nasanayo shaqada dadka waxay badanaa ku qaataan mobile ama computer-kooda oo waa ay ka mashquul badan yihiin sidii marka ay ku jiraan shaqada. Qof waliba waxaa ku jira mobile kiisa inta baraha bulshada abkooda ah( Social medie apps), oo waxa ay hadba soo booqanayaan app ha ahaato youtube, tik tok, snapchat, instagram, facebook, twitter iyo kuwo kaloo badan. Halka dadka qaar haday helaan firaaqo yar ay dul faraysanayaaan computerkooda ama mobile-kooda si ay u daawadaan filimaan ama musasalo. Waxaad arkaysaa waliba dad qaar dhahaya waan dhameeyay filimaanta ku jira Netflix ee ma garanaaysaa meel kale aan filimaan ka daa...

Things you should need to know about spanish people before you visit

Markii iigu horaysay aan tagay dalka Spain gaar ahaan magaalada Madrid waxaan soo xasuustay wadankaygii, halka aan ka soo jeedo asal ahaan. Maalintaydii ugu horaysay ayaa aan dareemay wax yaalo badan oo isku e kaansho ah, ina soo xasuusinaya wadankaygii( Somalia).  Halka wadanka aan hadda ku noolahay( Norway) iyo Spain ay farqi wayn u dhexeeyaan, oo aad hal mar dareemayso/ arkayso kala duwanaasho aad u ballaaran. Aduunka dad waliba waxa ay haystaan dhaqan iyo nidaam u gooniyaa, sidaa darteed waa ay wanaagsantahay inaa safarto oo aad booqoto meelo ka baxsan bay´ada aad ku nooshahay si aad u aragto kala duwanaashaha umada dunidan ku nool. Wax yaalaha aan ka soo arkay dadka isbaanishka qaar ka mid ah ayaa halkan ku xusayaa, waxaana ka mid ah; They are friendly  Guud ahaan, Dadka isbaanishka waa dad furfuran fududahayna in la lasheekaysto, mar ka loo fiiriyo inta badan dhaqamada kale ee Yurub. Waa dad hadal badan oo caawimaada ku wanaagsan in kastoo dadka isbaanishka aysan ku hadl...

Make your day beautiful!

Si aad uga dhigto maalintaada mid qurux badan waxaad is waydiinaysaa, sidee maalintayda uga dhigikaraa mid i faysa ama qurux badan? Hadaba jawaabtu waa mid fudud. Si ay maalintaada u wanaagsanato waxaa lagaaga bahanyahay inaa samayso 3 waxyaabood waxayna kalayihiin sian; 1. Seexo hurdo fiican oo kugu filan.  Waa muhiim unuu qofku seexdo hurdo ku filan si uu caafimaadkiisa uga taxadaro, si ay maalintiisa u noqoto mid dagan iyo ku wayaalo kaloo badan.  2. Ku biloow maalintaada cibaadada Alle. Waa muhiim in aad ilaaliso xiriirka adi iyo Alle idinka dhexeeya si ay kuugu fududaadaan wax walbe, hadaba markaad subixii soo kacdo ku biloow salaada. Ilaali salaada intaad awoodo sababtoo ah waa dawada waxyaalo badan. 3.  Samee maalintaada jimicsi. Jicisi oo aad samayso waxay kaa caawinaysaa in aad dareento firfircooni aadna qabsankarto howlahaaga malineed. Sidoo kale wuxuu kaa caawinayaa inaa sifiican u seexato habeenkii iyo caafimaad ahaanba. Ku dadaal arimahaan si aad u aragto isb...