Gå til hovedinnhold

Why should you need to travel?

 



Socdaalka waa ka badan yahay booqasho meelo iyo qaadid sawirro, socdaalka oo badani waxay soo kordhisaa fikrado iyo aragti cusub waana maalgashi dhab oo naftaada ah. Socdaalkaga oo badan waxa ay doorwayn ka qaadataa noqosha qof dhisan oo haysta waayo aragnimo buuxda.

Safar aad u baxdo meel ka baxsan bay´ada aad degantahay waxa ay leedahay faa´ iidooyin badan, hadii ay noqoto mid khibrad ahaan iyo mid koriino maskaxiyeedba. Markaad u baxdo meel ka dhaqan duwan meesha aad ku noolshahay oo ka cimilo duwan waxaad ka soo baran oo aad ka soo arki wax yaabo badan oo aadan ku soo arkin meesha aad ku nooshahay. 

Waa xaqiiq waxaad ka soo baranaysaa wax yaabo badan, waxaa laga yabaa inaa ku soo aragto wax badan oo aad ka heshay jeclaana lahayd inaa ku haysato ama aad ku aragto meesha aad ku nooshahay. Markaas waxaad bilaabaysaa inaa is waydiiso shu aashan oo ah sidee ku keeni karaa meesha aan ku nooloahay waxa aad markaas ka heshay. 

Waxaana dhici karta inaa adi sabab u noqoto keeni taanka waxayaalahaas bay´ada aad ku nooshahay, markaas ka dibna waxa dhicikarta in aad ku mutaysato waxyaalo qurux badan maadama aad wax wanaagsan ku soo kordhisay bulshadaada iyo deegaankaagaba. 

Sababaha uu qofka bani aadamka ah ugu baahanyahay inuu safro aad ayay u badanyihiin balse hadaan aan soo qaadto qaybaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah;

  • Khibrad dhaqameed cusub
Waxa ugu muhiisan in la safro waa barashada dhaqamada kala duwan. Aduunka aad ayuu ubalaaran yahay dhaqamada umadana badda aayay ka abadan yihiin iyo kala duwanaanshaha. Nin la yiraahdo Saint Augustine ayaa hore u yiri " aduunku waa buug dadka aanan safrin waxa ay akhristaan bogg ka mid ah buugaas". Hadad rabto inaa wax badan ka ogaato kana barto aduunkan balaaran waxaan kuu soo jeedinaa inaa safarto.

Waxaa jira Xadiis Abuu Hurayra ( Alle ha ka raali noqdee) laga soo wariyay Rasuulka(SCW) uuna yiri"Alle wuxuu u fudeeyaa jidka Jannada qofkii u safra si uu u siyaadsado aqoon".
Aqoontu waa mid aan xuduud lahayn, safarkuna waa hab fiican oo wax lagu baran karo laguna heli karo khibrado cusub.

  • Waxaad ku baranaysaa naftaada
Waxaa wax badan ka barandoontaa naftaada iyo qofka aad tahay. Waxaad barandoontaa sida ay naftaada dareemayso marka aad ka fogaato dhulkaagii iyo sida aad ula dhaqmi lahayd dadka ajaanabiga ah ee aad kala dhaqan duwantihiin. Waxaadna ogaandoontaa sida aad uga falcelin lahayd hadii aad la kulanto xaalad kugu cusub.

  • Waxaad ku baranaysaa luqad cusub
Safarka wuxuu kaa caawinayaa inaa barato luuqado qalaad. Waxaad noqonaysaa qof is meel marin kara oo is ku filan hadii bari ka maalin ay wadanka banaan kiisa howl kaa gaalaan, tusaale ahaan gacsi hadaa bilowdo ma u baahanaysi qof mar waliba ku garab socda si uu kuugu turjumo. 

  • Safarku waxa uu kaa dhigayaa qof caafimaad qaba
Dad badan ayaa waxa ay aaminsanyihiin safarka waxa uu kaliyaa u ficanyahay nafta, laakiin waxaa intaa dheer in safarku aad ugu fiicanyahay caafimaadka. Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu sheegay in safarku yareenayo khatarta cudurrada wadnaha.

Mid ka mid ah daraasad la sameeyay, cilmi baarayaashu waxay kormeereen ragga khatarta ugu jira cudurrada wadnaha mudo dhan 9 sano. Mudadii tijaabada kadib, waxay oo gaadeen in ragga fasaxyada u baxa sannad kasta 30%  ka yartahay khatar  u dhimashada cudurrada wadnanaha.

Daraasadda wadnaha ee Framingham ee caanka ah waxay muujisay natiijooyin isku mid ah. Cilmi-baarayaashu waxay kormeereen ka-qaybgalayaasha haweenka 20 sano. Cilmi-baadhayaashu waxay ogaadeen in dadka qaatay qadarka ugu yar ee wakhtiga fasaxa (qiyaastii hal fasax 6dii sanoba mar) waxay ahaayeen qiyaastii laba jeer iyo badh inay u dhowdahay inuu ku dhaco wadna xanuunka marka loo eego dadka fasaxa qaata hal mar sannadkii.


Kommentarer

Populære innlegg fra denne bloggen

How to improve the quality of your free time?

  Wakhtiga firaaqada ah ee maanta la joogo waa adagtahay si aad ku hesho wakhti firaaqo ah oo caafimaad qaba. Xilliga laga nasanayo shaqada wali waxay dadku u muuqdaan kuwo mashquulsan oo aanan wakkhti ahayn. Qof waliba waxaa uu ku fooraraa mobile afar geesa oo waxa aad ku qiyaaasaysaa dadkaas in ay ku jiraaan xilli shaqo sida ay u wada mashquulsanyihiin. Xilliga laga nasanayo shaqada dadka waxay badanaa ku qaataan mobile ama computer-kooda oo waa ay ka mashquul badan yihiin sidii marka ay ku jiraan shaqada. Qof waliba waxaa ku jira mobile kiisa inta baraha bulshada abkooda ah( Social medie apps), oo waxa ay hadba soo booqanayaan app ha ahaato youtube, tik tok, snapchat, instagram, facebook, twitter iyo kuwo kaloo badan. Halka dadka qaar haday helaan firaaqo yar ay dul faraysanayaaan computerkooda ama mobile-kooda si ay u daawadaan filimaan ama musasalo. Waxaad arkaysaa waliba dad qaar dhahaya waan dhameeyay filimaanta ku jira Netflix ee ma garanaaysaa meel kale aan filimaan ka daa...

Things you should need to know about spanish people before you visit

Markii iigu horaysay aan tagay dalka Spain gaar ahaan magaalada Madrid waxaan soo xasuustay wadankaygii, halka aan ka soo jeedo asal ahaan. Maalintaydii ugu horaysay ayaa aan dareemay wax yaalo badan oo isku e kaansho ah, ina soo xasuusinaya wadankaygii( Somalia).  Halka wadanka aan hadda ku noolahay( Norway) iyo Spain ay farqi wayn u dhexeeyaan, oo aad hal mar dareemayso/ arkayso kala duwanaasho aad u ballaaran. Aduunka dad waliba waxa ay haystaan dhaqan iyo nidaam u gooniyaa, sidaa darteed waa ay wanaagsantahay inaa safarto oo aad booqoto meelo ka baxsan bay´ada aad ku nooshahay si aad u aragto kala duwanaashaha umada dunidan ku nool. Wax yaalaha aan ka soo arkay dadka isbaanishka qaar ka mid ah ayaa halkan ku xusayaa, waxaana ka mid ah; They are friendly  Guud ahaan, Dadka isbaanishka waa dad furfuran fududahayna in la lasheekaysto, mar ka loo fiiriyo inta badan dhaqamada kale ee Yurub. Waa dad hadal badan oo caawimaada ku wanaagsan in kastoo dadka isbaanishka aysan ku hadl...

Make your day beautiful!

Si aad uga dhigto maalintaada mid qurux badan waxaad is waydiinaysaa, sidee maalintayda uga dhigikaraa mid i faysa ama qurux badan? Hadaba jawaabtu waa mid fudud. Si ay maalintaada u wanaagsanato waxaa lagaaga bahanyahay inaa samayso 3 waxyaabood waxayna kalayihiin sian; 1. Seexo hurdo fiican oo kugu filan.  Waa muhiim unuu qofku seexdo hurdo ku filan si uu caafimaadkiisa uga taxadaro, si ay maalintiisa u noqoto mid dagan iyo ku wayaalo kaloo badan.  2. Ku biloow maalintaada cibaadada Alle. Waa muhiim in aad ilaaliso xiriirka adi iyo Alle idinka dhexeeya si ay kuugu fududaadaan wax walbe, hadaba markaad subixii soo kacdo ku biloow salaada. Ilaali salaada intaad awoodo sababtoo ah waa dawada waxyaalo badan. 3.  Samee maalintaada jimicsi. Jicisi oo aad samayso waxay kaa caawinaysaa in aad dareento firfircooni aadna qabsankarto howlahaaga malineed. Sidoo kale wuxuu kaa caawinayaa inaa sifiican u seexato habeenkii iyo caafimaad ahaanba. Ku dadaal arimahaan si aad u aragto isb...