Nolosha way ballaarantahay waxayna leedahay noocyo badan adiga ayaa doorankaro nooca nolol aad rabto inaa ku noolaato. Dad waxay ku nool yihiin nolol dabaqad sare, dadna waxay ku nool yihiin dabaqad dhexe halka dad kale ay ku nool yihiin nolol aad u haysaysa.
Dad badan ayaa ku qeexa nolosha dabaqada sare ma aha wax layska dooran karo oo waxa ay aaminsan yihiin in hadii aad waxbarato aad ku noolaankarto nolol fiican waliba mida dabaqada sare.
Dad badan ayaa aaminsan inaadan helaynin nolol fiican hadii aadan wax baran. Waliba waxaa intaa sii dheer waxay haystaan aragti ah qofkii wax barta ayaa heer gaaro halka ay ka saarayaan booska qofka aan waxba baran. Oo waxay haystaan aragti labaad oo ah qof haduu uusan wax baran in uu hormar gaari karin noloshiisa uuna ku noolaanayo nolosha mida dabaqada hoose.
Hadaba adiga wax bartay iyo adiga aan waxba baran waxaad u simantihiin doorashada noloshiina. Wax barashada waa muhiim waana ku dhiirigalinayaa inuu qof walba waxbarto mid diin ah iyo mid cimi ah labadaba, laakiin waxaan xaqiiq ah in dad badan oo waxba baran ama wax barashada dhamaysan ay gaareen heer noloshooda, oo ayna yihiin taajiriin maanta.
Hadii aan tusaale u soo qaadano dad qaar oo aanan dhamaysan koleejka ama aanan aanan tagin koleeg waligood laakiin maanta caan ah oo guulaystay noloshooda. Bill Gates waa aasaasaha Microsoft, waana mid ka mid ah hal abuuraha ganacsi ee ugu guulaha badan aduunka. Wuxuu ka tagay jaamacada sanadkii labaad xitaa waligii ma dhamaysan heerka koowaad ee jaamacada, maantana waxaa loogu yeeraa bilyaneer. Richard Branson waa aasaasaha kooxda Virgin, oo ka kooban in ka badan 400 oo shirkadood. Wuxuu ka tagay skoolka 16 jir marka uu ahaa maantana waa billionaire. Hadda su aasha waxa ay tahay adiga anaan wax baran ama aan dhamaysan wax barashada waaa maxay curdaarkaaga oo aadan rabin in aad noloshaada kor uqaado? waaa maxayse waxa kaa hortaagan inaa tallaabo hore u qaado?
Hadaba hadii aadan wax baran ama aadan ka gaarin wax barashada meel sare waxa aad haysataa boqolaal furdsadood aad ku gaari karto guuulo badan, oo aad ku noqon karto taajir sida aan ku soo xusay kor Bill Gate iyo Richard Branson. Hadda wakhtigan aynu joogno aduunka wuu is bedaley waxaan ku nool nahay nolol casri ah oo wax waliba fudud yihiin, is waydii waxa ay jeceshahay naftaada in ay samayso oo ay dareento farxad xilliga aad ku guda jirto samaynta howshaas.
Ha sugin noloshaada in uu imaado qof kaa og waxa ay rabto naftaada. Ma jiro qof kaa og naftaada ama waxa ku jira niyadaada, waa adi qofka naftaada masuulka ka ah, waa adi qofka laga rabo daryeelka naftaada, waana adi qofka Alle wax ka waydiini doono naftaada. Hadaba adigoo taas og waa maxay sababta aad qof kale uga sugaysid wax kale adiga oo aanan ka soo bixin waajibaadkii naftaada kaa saarnaa? Xilligan aynu joogno qof waliba waxa uu ceersanayaa dantiisa waxa uuna ka fakarayaa tiisa.
Hadii aad qof kale noftaada gacanta u galiso oo aad ku xirto noloshaada ogoow qofkaasi waa bani aadam bari ayuu ku niyad jabin karaa kaana tagi karaaa, Maxaad samayn doontaa hadii arintaasi dhacdo?
Sidaa darteed ma haysatid sabab aad qof kale u sugto ama ugu xirto jiritaanka noloshaada, noqo qof isaga is meel mariya oo aanan qof kale waxba ka sugin. Hadii maanta wax iskugu kaa aadanayn bari ayay imaanaysaa, noqo qof adag oo meel iska soo saara laakiiin waligaa ha daciifin naftaadana qof kale gacanta ha u galin ma ogid qofkaas waxa uu noqon doono.

Kommentarer
Legg inn en kommentar